• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Caqaa'ida Shiicada (Ithnaa cashariyada) Rawaafida ah

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Caqaa'ida Shiicada (Ithnaa cashariyada) Rawaafida ah

    ?Shiicada Rawaafida ah yaa Aasaasey


    الحمدلله وحده والصلاة والسلام على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم .
    أما بعد :
    qofka muslimka ah waa inuu ogaado nolashaan iney ku dhamaaneedo geeri , halka loo hoyanaayo waxey naqee janno ama naar , shaki kumajiro qofka muslimka inuu ku dadaalayo inu kamid naqdo ahlu jannaha , sidaas aawadeed waxaa laga maarmaana inuu sameeyo alaah waxa raali galinaayo , uuna kafogaado wax kasta uu kareebey , oo ah waxa uu qofku kumuteesa caro allaah iyo cadaab .
    nolashaan aduunyada waxey leedahay wadooyin faro badan iyo waxyaalo lagu kadsoomo oo badan , qofka caaqilka ah waa qofka qaado wada kudhamaaneedo jannada haba ahaato tu adag , kana tago wada ku dhamaaneedo naarta haba ahaato tu fudud . 1
    waxuu yirri diktoor xuseen al muusawi oo ka mid ahaa jirey culumada najaf : " waxaan aheen kuwa dhigta mad'habka aalu beytka , waxaan ka heleeney waxaas aan dhiganeeno ducuunaad loogeesanaayo aalu beytka shareecada ayaan dhiganeeney saan allaah ugu caabudno , lakiin waxaan heleeney nusuus cadcad oo loogu gaaloowaayo allaah ...
    suurta gal miyaa inuu naqdo kan mad'habka aalu beytka oo dhab ah?!1
    saan uraacaa raadka rasuulka salla llahu caleyhi wasalam , anoo dacninaayo ?! ... "1

    | ... yaa aasaasey ...|

    - waxaa aasaasey: cabdulaahi ibnu saba'a waxuu ahaa yahuudi soo islaamey cali ayuu wali ka dhigtey , waxuu ahaa mid dhaho markuu heystey yahuudiyada yuushac bin nuun kii kadanbeeyey nabi muuse caleyhi salam oraahdaan oo kale.
    -waa qofka ugu horeeyey oo cadeestey cali radiya laahu canhu imaam nimadiisa iney waajib tahay , waxuuna cadeestey kabari naqashada acda'adiisa .
    halkaan waxaa kacad in rafdiga laga sooqaatey yahuuda .
    - hasa yeeshee shiicadu ninkaan waa inkirtaa .1

    i|... Halkaan waxaan kusheegaa qaarkamida kutubta shiicada oo sugeedo jiritaanka ninkaan ... | :1

    - waxuu yirri
    saciid ibnu cabdullaah al ashcari alqummi asoo kahadlaayo saba'iyada : ( saba'iyadu wa asxaabta c/lulaahi ibnu saba'a , asigu waa cabdulaahi ibnu wahab alrasibi alhamdaani , arinkaasna waxaa kusaacidey c/laahi ibnu khirsi iyo ibnu aswad labadoodna waa kuwa ugu roon asxaabtiisa , waxuuna ahaa qofka ugu horeeyey oo cadeestey dacninta abubakar iyo cumar iyo cuthmaan iyo asxaabta kana barinaqdey ) "almaqaalaat walfiraq " .i
    - waxuu yiri
    nicmatu llaahi al jazaairi : ( cabdulahi ibnu saba'a cali alah haka raali naqdo waxuu ku yiri : adiga ayaa ilaaha xaqa ah , cali allah hakaraali naqdo magaalooyinka ayuu kaceeriyey , waxuu ahaa yahuudi soo islaamey , markuu yahudiyada kujirey waxuu dhihi jirey yuushac bin nuun iyo nabi muuse caleyhi salam sida uu ku yirri cali ) " al anwaar al nucmaaniyah 2/234 " .i

    - cabdulaahi ibnu saba'a asxaabtiisu waxey aaminsanyiin ilaahnimada cali , cali bin abii daalib dab ayuu ku gubey xiliga khilaafadiisii maka uga naseexeeyey iney ka naqdaan allaahna uga tawba keenaan baadidaan .1

    bukhaari waxaa ku sugan in cali loo keeney kuwa zanaadiqaa uuna gubey , arinkaas ayaa gaarey ibnu cabaas waxuu yiri ibnu cabaas : hadaan aniga ahaa lahaa magubeen ; maxaa yeeley nabiga sallalaahu caleyhi wasalam ayaa naga reebey " cadaabka allaah wax haku cadaabina " waan dili lahaa ; hadalka rasuulka sallalaahu caleyhi wasalam‏ ‏aawadiis : " cidii diintiisa badasha dila " .1

    i| ... qaar kamida yahuudigaan waxyaalah uu ku dhacey ... |1

    i
    1- aasaasitaankiisa kooxdaan diin kabaxda ah oo ah raafidada.
    i
    2- usocodkiisa dilka khaliifadii raashidka din nuureyn cuthmaan bin cafaan allaah ha karaali naqdo .
    i
    3-duritaankiisa asxaabta iyo gaaliinsiintooda gaar ahaan abuu bakar iyo cumar iyo cuthmaan allaah haka raali naqdo . 1
    i
    4- in uu aaminsanaa in cali loo dardaarmey khilaafada .1
    i
    5- caqiidada rajciyada .1
    i
    6- ku xad gudubka cali iyo aalu beytka . 1
    i
    7- caqiidada badaa'ada : waxey caqiideesanyihiin in allaah wax kaqorsoonaa jirey ey umuuqdeen , allah ayaa kasareeyo waxa ey leeyihiin sareen wayn .1
    i
    8- in uu aaminsanaa ilaah nimada Cali - allaah haka raali naqdo- .1
    i
    9- iyo iney dhahaan cali inuu geeryoon .1

    | ... hadalada ey ka dhaheen ahlu cilmi ninkaan ... |

    waxuu
    yiri xafid addahabi : " cabdullaah ibnu saba'a alyahuudi waxuu kamidyahey kuwa xad gudbey ee diinlaawayaasha , waa daal mudil ( waa mid dhunsan ) , waxaan umaleenaa in cali dab kugubey .
    joozajaani waxuu yiri : waxuu sheegtey in quraanku yahey sagaal qeebood qeyb kamida , cilmigiisu waxuu yaalaa cali agtiisa , ... ".
    ibnu casaakir waxuu yiri : " asalkiisu waa yamen waxuuna ahaa yahuudi islaam nimo muujistey , ... " .
    ibnu abilciz kitaabkiisa sharxu daxaawiyah waxuu ku yiri : " asalka rafdiga waxaa soo dariyey munaafiq zindiiq ahaa ujeedadiisu aheyd inuu diinta islaamka buriyo , iyo in rasuulka salalaahu caleyhi wa salam wax kasheego waa sida culumada sheegtey " .
    shiikhul islaam ibnu taymiyah waxuu yirri : " asalka rafdiga waxuu ka imaadey munaafiqiinta iyo diin laawayaasha , waxaa soo dariyey ibnu saba'a ii diin laawa ahaa , waxuu soo muujistey ku xad gudubka cali asoo sheeganaayo imaam nimadiisa iyo nasku inuu cadeenayo " .1


    | ... waxaad maqaalkaan ugu noqo karta ... |
    - رسالة الرد على الرافضة للإمام محمد بن عبد الوهاب النجدي .
    - لله ثم للتاريخ د/ للسيد حسين الموسوي من علماء النجف
    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 31-08-2014, 10:34 PM.

  • #2
    walaal caqiidada shiicada ithnaa cashariyada waxaa aaminsen dawlada iiraan iyo xizbulaahiga ( xizbullaatiga ) lubnaan iyo xuutiyinta yamen iyo inta badan shiicada caalamka allaah ayaan kamagen galeenaa caqaaida baadilka ah .
    waxaa kamida caqaaidaas baadilka ah : -
    1 - inkiritaankooda maamulkii khulafaa'a urraashidiin :
    waxaa kamida dafiritaankooda khilaafadii abuu bakar sidiiq alaah ha karaali naqdo , in kiritaankeeda waxaa kadhalaa in la tafsiiqiyo cidii lamubaayacootey iyo caqiideesey in khilaafadiisii xaq aheyd , waxaa baycada galey saxaabadii allaah ha karaali naqdo xataa aalu beytka sida cali allaah haka raali naqdo , umada badankood waxey caqiideeyeen in ey xaq aheed , in la caqiideeyo fisqi nimadooda waxey khilaafee hadalkaan allaaht :
    ‏" كنتم خير أمة أخرجت للناس " [ سورة آل عمران :110] ،
    " waxaad aheedeen umad tan ukheyr badan oo dadka loo soo saaro " kheyrku intuu uga imaanaa umada hadey asxaabta nebigooda khilaafaan , aalu beytkiisana dulminaayaan eyna kadhacaan manaasibta , intooda badan ey baadilka xaq u arkaan , allaah ayaa xumaan kadheer tan waa been abuurad weyn .
    cidii caqiideeso wax khilaafsan kitaabka allaah waa gaaloowee , axaadiithta kusoo aroortey saxiix nimada khilaafada abukar sidiiq halkaan kuma sookoobikarno , cidii jumhuurta asxaabta utiirida fisqi iyo dulmi , kana yeesha ijtimaacooda ( kulankoodii ) baadil nabiga ayey ku been abuurtey kubeen abuuradkiisuna waa gaalnimo , yaa ka fadeexa badan dad ictiqaadiyey jumhuurta asxaabta iney la imaadeen fisqi iyo caasitaan iyo kibir , allaah kama dhigo asxaabta nabigiisa - sala laahu caleyhi wasalam - illaa dad wanaagsan mooyee , rawaafida hadey kheyr leeyihiin mey uga hadleen asxaabta nabiga - sala laahu caleyhi wasalam - oo ah kuwa diintiisa ugargaarey illaa kheyr mooye .
    | ... qaar kamida axaadiith kutuseedo saxiix nida khilaafada abuu bakar sadiiq ... |

    - jubeer bin mudcim waxaa laga wariyey inuu yiri : haweeney ayaa rasuulka - sala laahu caleyhi wasalam - utimid waxuu ku amrey iney usoo laabato , waxey tiri hadaan imaado aan ku helin - waaba ayadoo dhaheedo ahadad geeryooto - waxuu ku yiri : " hadaad ihelin abuu bakar u imaad " . waxaa wariyey bukhaari ( 3659 ) iyo muslim ( 2386 ) .
    - caaisho - allaah haka raali naqdo - waxaa laga wariye iney tiri : wuu xanuun sadey rasuulka - sala laahu caleyhi wasalam - xanuunkii uu ku dhintey waxuu ku yiri : " aabahaa iyo walaalkaa iigu yeer aan uqoree kitaab ; waxaan ka baqaa mid wax tamaniyo inuu tamaniyo mid wax dhahaana uu yiraahdo : anaa kamudan , allaah iyo mu'aminiinta wey diideen illaa abuu bakar mooye " .
    waxaa wariyey bukhaari ( 5666) laakiin oraah daan kuma jirto saxiixiisa " abuu bakar mooyee " iyo muslim ( 2387 ) .
    - abuu muusal ashcari waxaa laga wariyey inuu yiri : nabiga - sala laahu caleyhi wasalam - ayaa xanuunsadey xanuunkiisana wuu udarnaadey waxuu yiri : " amra abuu bakar dadka hadujiyo " caaisho ayaa tiri : asigu waa nin jilcan haduu istaago booskaada makaraayo inuu dadka dujiyo , waxuu yiri : " abuu bakar fara dadka hadujiyee " wey kusoo celisey waxuu yiri : " abuu bakar far dadka hadujiyee ; waxaa tihiin sawaaxibaatkii yuusuf " qofkii loo soodirey ayaa uyimid , dadka ayuu dujiyey nolashii nabiga sala laahu caleyhi wasalam . waxaa wariyey bukhaari ( 678) iyo muslim ( 420) .
    2 - sheegashadooda in ey ridoween ( diinta ka baxeen ) asxaabta allaah haka raali naqdo :
    kashi waxuu imaam jacfar as'saadi - allaah haka raali naqdo - kawariyey inuu yiri : markuu geeryoodey nabiga - sala laahu caleyhi wasalam - asxaabtiisa dhan wey ridooween ( gaalooween ) illaa afar mooyee : miqdaad iyo xudeyfa iyo salmaan iyo abuu dar allaah haka raali naqdo .
    ¤ ¤ fiiro gaara ¤ ¤

    jacfar as'saadiq waa jacfar ibnu muxamed ibnu cali ibnu xuseen ibnu cali ibnu abii daalib lagu naaneeso saadiq , hooyadiis waa umu farwah bintu qaasim ibnu muxamed ibnu abii bakar as'sadiiq , hooyadeed waa asmaa'a bintu c/raxmaan ibnu abii bakar , sidaas aawadeed waxuu dhihi jirey : abuu bakar sadiiq labo jeer ayuu idhaley .
    rawaafida ayaa ku been abuuratey waxey utiiriyeen wax yaalo badan oo been abuurada , waana ucaroo jirey .
    kafiiri taarikh nolo leedkiisii kitaabka siyar aclaam an'nubalaa oo leeyahey al_imaamu dahabi 1/255 .
    cumuumkaan la adkeeyey uu soo wariyey kashi waxuu keensaa in cali iyo aalu baytka ey gaalooween , ayaguna taas madhahayaan , sheegashada ridawga saxaabada waa dumin aasaaska diinta ; aasaaska diinta waa quraanka iyo xadiithka .
    malaaxidada ( diin laawayaasha ) hadalka rawaafida ayey xuja kadhigteen waxey dhaheen see allaah udhihi karaa ‎‏"كنتم خير أمة أخرجت للناس " [ سورة آل عمران : ‏110]‏
    " waxaad tihiin ummadda u khayr roon ee loo soo bixiyey dadka "
    wey ridooween marka uu nabigoodii geer yoodey illaa wax la eg shan ama lix qof .
    mulxidkaan hadalkiisa waxaa ka dhadhameeso in umadaan kheyrka allaah kusheegey eyna laheen , taasna waa beenin hadalka allaah waana gaalnimo ; hadalkiisa iyo hadalka rawaafida waa isku mid , kuwaasna diinta wey ugu dhibaato badan yihiin yahuud iyo nasaaro .
    ¤ ¤ aayaatka uu allaah asxaabta ku amaaney waxaa kamida ¤ ¤

    allaah waxuu yirri ‎‏:‏
    ‏"لقد رضي الله عن المؤمنين " ‏‎]‎سورة الفتح :18] .
    " allaah wuu ka raali naqdey mu'miniinta " .
    iyo hadalka allaah :
    ‏" رضي الله عنهم ورضوا عنه " ‏‎]‎‏ سورة التوبة : ‏‎ ‎100‏].
    " allaah waa ka raali naqdey ayana way ka raali noqdeen " .
    allaah waxuu ka yiri cid rumeysey furashadii maka kahor iyo kadib :
    ‏" وكلا وعد الله الحسنى " [ سورة الحديد : 10 ]
    " dhamaantood allaah waxuu ubalan qaadey wanaag " . allaah waxuu kayiri muhaajiriinta iyo ansaarta :
    ‏" أؤلئك هم الصدقون " [ سورة الحشر : 8 ] .
    " kuwaas waa kuwa ka run sheegey iimaankooda " , allaah waxuu yiri :
    ‏" فأولئك هم المفلحون " [ سورة الحشر : 9] .
    " kuwaas waa kuwa liibaaney " .
    allaah waxuu yiri :
    ‏" وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس " [ سورة البقرة : 1430] . ‏‎ ‎‏
    "saasaan idan ka dhigney ummad caadil ( khayr ah ) si aad marag ugu noqotaan dadka " allaah waxuu yiri :
    ‏" كنتم خير أمة أخرجت للناس " [ آل عمران : 110] .
    " waxaad tihiin ummadda u khayr roon ee loo soo bixiyey dadka " .
    iyo aayaat kale oo cadeeneeso fadliga saxaabada iyo ku toosnaantooda diinta , cidii caqiideedo wax khilaafsan kitaabka iyo sunnada wey gaalawdey , yaa kaxun mad'hab dadkiisu caqiideesan yihiin iney ridooween cid uu allaah u doortey iney la saaxiibaan rasuulkiisa una gargaarka diin tiisa .
    mawduucaan waxaad kafiiri karta risaaladaan
    رد على الروافض للإمام محمد بن عبد الوهاب تحقيق شيخ عبد الرزاق النهمي

    تعليق


    • #3
      Waxaa ka mida caqaa'ida shiicada ithnaa cashriyada:
      2 - waxey aamin sanyihiin in uu quraanku naaqis yahey: waxey kutubtooda axaadiithta ah iyo kuwa kalaamka ku sheegeen in cuthmaan bin cafaan quraanka wax ka dhimey , sida surada alam nashrax aayada
      " ورفعنا لك ذكرك " [ النشرح: 4 ] .
      Kadib Waxaa ka xadfan
      (وعليا صهرك ) ,
      Wuxuu uridey asoo ka xaasidaayo in uu la wadaago sodoh nimada .
      Suuratul axzaabna waxey la ekeed suuratul ancaam cuthmaan wuxuu karidey inta kusaabsaneed fadliga qaraabada.
      waxaa la yiri : xiliyadaan danbe waxey keeneen labo suuradood ey sheegayaan in ey ka midyihiin quraankii uu cuthmaan qarshey suurad kasto waxey la egtahey juz waxeyna musxafka ka haleeliyeen aakhirka, labada suurad mid kamida waxey ku magacaabeen annuureyn, tan kalane alwalaa.
      Wuxuu yiri shiikh c/risaaq annahmi waxaa ka mida caqaa'ida faasidka ah ee shiicada oraahda in uu quraanku taxriifsanyahey, qaarkoodba ha u inkiraan tuqyo ahaan iyo dhagar, sida uu sheegtey sabaax bayaati uu shiikhu ( maxamed ibnu cabdul wahaab annajdi ) ku radiyey risaalada
      الرد على الرافضة
      hasa yeeshee kutubtooda ayaa sugeedo oraahdooda ( in quraanka naaqisan yahey ) qaarkood waxey u'alifeen kitaab mustaqila sida kitaabka:
      " فصل الخطاب في إثبات تحريف كتاب رب الأرباب "
      Uu leeyahey raafidiga xuseen annuuri addabarasi kaas ey shiicadu weyneedo, ninkaan kitaabkiisa wuxuu ku kulmiyey labo kun oo riwaayadood oo cadeeneeso in uu quraanku muxaraf yahey, wuxuu kaloo ku jamciyey hadalada fuqahada iyo culumada shiicada ey ku cadeenayaan in quraanka muslimiinta hortooda yaalo badalanyahey, ( allaah ayaan ka magan galeenaa baadi nimadaan ) .
      sidaas oo kale waxey ku sugayaan kutubtaan oo ah maraajicdooda kuwa ugu waaween :
      - الكافي ج1 ص 413 .
      - تفسير القمي .
      والإحتجاج للطبرسي ص (225 ).
      تفسير الصافي لمصنفه الملا حسن ص (11 ) .
      Hadalkaan waxaa laga soo guuriyey kitaabka:
      بطلان عقائد الشيعة (ص 37,38,39 ).
      Walaal fiiri waxa uu ka qorey shiikh ixsaan ilaahi dahiir kitaabkiisa:
      الشيعة والقرآن
      Wuxuu ku cadeeyey waxa ey ugu sugantahey raafidadu taxriifka quraanka iyo sheegashadooda quraanka in uu naaqis yahey.
      Marka walaal waxaa ka laazimaa oraahdooda gaaleenta saxaabada xataa cali maxaayeeley wey ka raali noqdeen , tanna waxey la midtahey mafaasidii ka horeedey, waxaa kaloo ka laazimaa beeneenta oraahda allaah:
      " لا يأتيه الباطل من بين يديه ولا من خلفه تنزيل من حكيم حميد " [ سورة فصلت : 42 ] .
      Aayada macnaheeda " mana timaado xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, ( waa dhawran yahay ) waana soo dajinta allaha falka san ee lamahdiyo " .
      وقوله تعالى: " إنا نحن نزلنا الذكر وإنا له لحافظون " [ سورة الحجرات: 9 ] .
      Iyo oraahda allaah ( aayada macnaheeda ) : " annagaa soo dejinney quraanka annagaana dhawri " .
      Cidii ictiqaadido in aan laga xifdin xadafka , iyo ictiqaadido wax aan ka mid aheen in ey kamidyihiin waa gaaloowee, waxaa kaloo kalaazimee in laga dulqaadey kalsoonida quraanka oo dhan, tanna waa diinta oo la duminaayo, waxaana ka laazimaa in aan quraanka ladaliisha karin, iyo in aan lagu cibaadeesa karin aqrintiisa, maxaa ka xun qolo oraahdooda diintooda dumineeso.
      Bukhaari wuxuu wariyey in uu ibnu cabaas iyo muxamed ibnu xanafiyah dhaheen : rasuulka allaah kama tagin illaa labada karbad waxa kujira mooyee. Kafiiri saxiixul bukhaari nambarkaan ( 5019) .
      Walaal shiicadu waxey sugaan kutub badan ey sheegaan in lagu soo dajiyey rasuulka - amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - uu ku gaaryeeley amiirul mu'aminiin cali bin abii daalib - allaah haka raali naqdo - waxaa kamida :
      1 - aljaamicah .
      2 - saxiifatu naamuus.
      3 - saxiifatu alcabiidah.
      4 - saxiifatu cali.
      5 - aljafar waa labo nooc:
      Aljafrul abyad.
      Iyo jafrul axmar.
      6 - musxafu faadima.
      7 - Attawraat iyo injiil iyo zabuur .
      9 - alqur'aan ( qur'aanka kaligiis ayee nuqsaan ku sheegeen allaah ayaan shartooda ka magan galeenaa )
      Kutubtaan waxey kusheegeen kutubtooda sida :
      - الكافي 1/239 .
      - بحار الأنوار 26/ 22 .25/117 .26/ 37 .26/ 56 .26/ 48 .
      - أصول الكافي 1/ 24 .
      - الحجة من الكافي 1/ 207 .
      Wuxuu yiri diktoor xuseen almuusawi oo ka mid ahaa culumada najaf: "waxaan ognahey in uu islaamku leeyahey hal kitaab oo ah quraanka ( iyo sunnada rasuulkeen - amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - ) hase yeeshee kutubtaan faraha badan waa wax ey yahuuda iyo nasaarada gaar u leeyihiin .
      Oraahda ey leeyihiin amiirul mu'aminiin ayaa kutub fara badan koobey kutubtaana xag allaah ayee ka ahaatey waana kutub koobsatey qadaayaat sarciya waa oraah baadila, waxaa noo soo galshey yahuuda qaar kamida oo isku soo asturey tashayuca " .
      Waxaad kafiiri karta maqaalkaan labadaan kitaab:
      الرد على الرافضة للإمام محمد ابن عبد الوهاب النجدي.
      لله ثم للتاريخ د.حسين الموسوي .

      تعليق


      • #4
        3 - waxey aaminsanyihiin in ey waajibtahey cayda saxaabada kuma sii jiraan sadaxda khulafaa urraashidiin (abuu bakar, cumar , cuthmaan) waxey kusoo wariyeen kutubtooda ka muctabarka ah aktooda : nin kamida atbaacda (taageerayaasha) hishaam al axwal in uu yiri: waxaa ak joogey malin abu cabdilaahi jacfar bin muxamed waxaa u imaadey nin dawaarlaa oo ka mida kooxdiisa oo gacanta ku wado labo qamiis , wuxuu yiri: inankii rasuulka ilaaheeyaw, labadaan qamiis midkood waxaan ku tolay irbad kasto aan galsho waxaan ku tawxiidsaayey allaahu akbar,kan kalena waxasn ku tolay cirbad kasto aan galsho waxaan lacnadaayey labadii fogaa ee abuu bakar iyo cumar - allaah haka raali naqdo- ,marka kaad jeceshahey ayaan kuugu nadrey , kaad jeceshahey qaado ,kaad jecleena ka tag. Saadiq wuxuu yiri: waxaa lee jecelyahey kan ku dhamees timey lacnada abuu bakar iyo cumar, ceshana kan aad ku toshey dikriga allaahu akbar.
        Fiiri waxaan beenaalayaashaa ee fusaaqdaa waxa xun Ay aalu baytka u tiirinaayaan , waa ka fogyihiin xumaantaan, allaah wuxuu yiri:
        "وكذالك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس "[البقرة: 143] .
        Macnaha aayada "Saasaan idinka dhignay ummad caadil (khayr ah ) si aad marag ugu noqotaan dadka"
        Hadeena asxaabta rasuulka - amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - wasad noqan ma qayrkoodbaa wasad naqaa?
        وقال تعالى: "كنتم خير أمة أخرجت لناس "[آل عمران: 110].
        Macnaha aayada: " waxaad tihiin ummadda u khayr roon ee loo soo bixiyey dadka ".
        Hadayna asxaabtiisu noqan kuwa ugu khayr roon ma kuwa kasukeeyaa naqaa ?
        وقال تعالى : " والسابقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم باحسان رضي الله عنهم ورضوا عنه وأعد لهم جنات تجري تحتها الأنهار خالدين فيها أبدا ذالك الفوز العظيم " [التوبة: 100].
        Macnaha aayada : " kuwii ku dheereeyey (khayrka) ee horeeyey oo ka mida muhaajiriinta iyo ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga allaahaa ka raali noqday iyana way ka raali noqdeen, wuxuuna u darbay jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa liibaan wayn".
        Cidii caydo cid uu allaah ka raali noqday waxaa dhaba in uu allaah iyo rasuulka la dagaalamay ,allaah wuxuu yiri:
        "لقد رضي الله عن المؤمنين إذ يبايعونك تحت الشجرة " [الفتح: 18].
        Macnaha aayada: "allaah wuxuu ka raali noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen nabiyaw geedka hoostiisa ". Suu ucaayaa cid uu allaah ka raali naqday uuna doortay,allaah wuxuu yiri:
        " محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم تراهم ركعا سجدا يبتغون فضلا من الله ورضوانا سيماهم في وجوههم من أثر السجود "الفتح:29].
        Macnaha aayada: "muxamad waa rasuulkii allaah, kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaan, waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi deeqda allaah iyo raalli ahaanshihiisa, calaamadooduna wajigooday ka muuqataa,sujuudda raadkeeda darteed ".say ubanaantahay cayda cid uu rabigiis amaanay.
        Allaah sareyee wuxuu yiri:
        "لا يستوي منكم من أنفق من قبل الفتح وقاتل أولئك أعظم درجة من الذين أنفقوا من بعد وقاتلوا وكلا وعد الله الحسنى " [ الحديد: 10],
        Macnaha aayada: " masinna cid wax bixisay maka furashadeedii ka hor oo jahaaday, kuwaasaa ka ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib dhamaantoodna allaah wuxuu u yaboohay wanaag " , cid uu sayidkiisu u yaboohay janno see loo caayaa ? Allaah wuxuu yiri:
        " للفقراء المهاجرين الذين أخرجوا من ديارهم وأموالهم يبتغون فضلا من الله ورضوانا وينصرون الله ورسوله أولىئك هم الصادقون " [ الحشر: 8 ]
        Aayada macnaheeda: " waxaa xoolahaas wax ku leh kuwa saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo xoolahoodii dar allaah iyo gargaarka ilaahay iyo rasuulkiisa , waana kuwa ku run sheegay iimaankooda " allaah ansaar wuxuu ka yiri:
        " فأولئك هم المفلحون " [ الحشر: 9 ].
        Macnaha: " kuwaasna waa kuwa liibaanay ".
        Qur'aanka waxaa ka buuxa amaanta saxaabada allaah ha ka raali naqdo , cidii caydo waxay khilaaftay wixii uu allaah amray oo ah karaamayntooda , cidii ka ictiqaado xumaan dhamaantood ama badankood allaah ayee ku beeniday waxa uu ugu waramay oo ah dhamees tirnaashahooda iyo fadaa'ishooda cidii beenido waa gaal , rasuulka allaah wuxuu yiri amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato :
        " النجوم أمنة السماء , فإذا ذهبت النجوم أتى السماء ما توعد , وأنا أمنة لأصحابي, فإذا ذهبت أتى أصحابي ما يوعدون, وأصحابي أمنة لأمتي , فإذا ذهب أصحابي أتى أمتي ما يوعدون " ر واه مسلم ( 2531) عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه.
        Macnaha xadiithka: " xidigyadu waxay amana uyihiin samada , haday tagaan samada wixii loo balanqaaday ayaa u imaanaa, iniguna asxaabtayda ayaan amano u ahay, hadaan tago wixii loo balan qaaday ayaa asxaabtayda u imaanaa , asxaabtaydu amano ayee u yihiin umadayda , haday tagaan asxaabtayda waxaa u imaanaa umadayda wixii loo balanqaaday " xadiithka muslim ayaa wariyay nambarkaan ka eeg ( 2531 ) waxaa kaloo laga wariyay abuu muusa al ashcari allaah haka raali noqdo.
        Rasuulka amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato wuxuu yiri:
        " خير الناس قرني , ثم الذين يلونهم , ثم الذين يلونهم, ثم يأتي قوم من بعد ذلك تسبق أيمانهم شهادتهم, وشهادتهم أيمانهم " عن ابن مسعود. وجاء بنحوه عن عمران بن حصين عند البخاري رقم (3650 ),ومسلم رقم (2535 ).
        Macnaha xadiithka: "dad waxaa u khayr badan ( kuwa nool qarnigayga , kadibna kuwa ku xigo, kadibna kuwa ku xigo intaa kadib waxaa imaana qolo ay dhaartooda ka hor mareedo marqaatigooda, marqaatidooda ka hor mareedo dhaartooda " xadiithka waxaa laga wariyay ibnu mascuud asigoo kalane cimraan ibnu xuseen bukhaariga dhaxdiisa raqmkaan ka eeg (3650) muslimna raqamkaan (2535) .
        وعن أبي سعيد رضي الله عنه قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: "لا تسبوا أصحابي , فوالذي نفسي بيده لو أن أحدكم أنفق مثل أحد ذهبا ما أدرك مد أحدهم أو نصيفه " رواه مسلم وغيره
        Abii saciid alkhudri allaah ha ka raali naqdo wuxuu wariyay in uu rasuulka allaah amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato uu yiri: " ha caayina asxaabtayda , waxaan ku dhaartay kan naftayda gacantiisa ku jirto haduu midkiin bixiyo buurta uxud oo dahaba ma gaarayo mud ama niskiis midkood uu bixiyo " waxaa wariyay muslim raqamkaan ka eeg ( 2540 ) bukhaarina kafiiri nambarkaan ( 3673 ) lakiin lafdigaan kuma jiro " waxaan ku dhaartay kan naftayda gacantiisa ku jirto "
        وقد صح عنه صلى الله عليه وسلم أنه قال: " لعل الله اطلع على أهل بدر فقال اعملوا ما شئتم , قد وجبت لكم الجنة, وقد غفرت لكم " وقال الشيخ عبدالرزاق النهمي: هو قطعة من حديث علي رضي الله عنه الطويل في قصة حاطب بن أبي بلتعة رضي الله عنه أخرجه مسلم برقم ( 4274) ومسلم برقم (2494) .
        Waxaa ka ansaxay rasuulka amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato inuu yiri: " allaah wuxuu mudanyahay in uu daalacday ahlu badar ( asxaabtii badar ka qayb galay ) wuxuu yiri: waxaad rabtiin sameeya, jannada waa nii waajibtay, waana nii danbi dhaafay "
        وقد صح عنه صلى الله عليه وسلم أنه قال: " لا يدخل النار من حضر الحديبية إن شاء الله تعالى " أخرجه مسلم برقم ( 2496 ) .
        Macnaha xadiithka : Waxaa ka sugnaaday rasuulka amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato in uu yiri: " naarta magalaayo cid xudaybiya xaadirtay allaha sareeye haduu doono " .
        وصح عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: " من سب أصحابي فعليه لعنة الله والملائكة والناس أجمعين " حسنه الامام الألباني في الصحيحة رقم (2340).
        Macnaha xadiithka : rasuulka allaah amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato in uu yiri: " cidii caydo asxaabtayda dusheeda ha ahaato lacnada allaah iyo tan malaa'ikta iyo tan dadka oo dhan " imaamul albaani ayaa saxiixadiisa ku xasaniyay raqamkaan 2340 ) .
        Nabiga - amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - tawaatur ayee ugu sugnaatay kamaal nimada asxaabta - allaah haka raali naqdo - gaar ahaan khulafaa'u rraashidiinka, waxa uu ka sheegay mid kasto oo ka mida ayaka waa mash'huur ( waa caan ) iskaba dhaaf waa mutawaatir ; maxaa yeelay dadka soo guuriyay arinkaas waa dad ay suurta gal aheen in ay isku waafaqaan been , wuxuu ku faa'ideeya isku gaynta akhbaartooda cilmi yaqiiniya dhameestirnaashaha asxaabta, iyo fadliga khulafaa'u rraashidiin.
        Hadaad garatay in aayadaha quraanka ku farabateen fadligooda, axaadiithta mutawaatirkaana ay cadeenaydo dhameestir naashahooda , cidii ictiqaadido fisqigooda ama fisqiga koox ka mida iyo ridadooda ama ka ridawga badankood diinta ama ictiqaadiyo xaqnimada caydooda iyo banaanaashaheeda ,wuu ku gaalooway allaah iyo rasuulkiisa waxa ay ugu warameen fadaa'ishooda iyo dhameestirnaashahooda ee laazimsaneedo ka bari ahaanshahooda wax keensaayo fisqi iyo ridaw iyo xaqnimada caydooda iyo banaanaashaheeda, cidii beeneydo wixii si go'an ugu sugnaado in ay ka soo fuleen kitaabka iyo sunnada waa galawday , jaahil in laga naqdo mutawaatir qaadica cudurdaar maahan, in lagu ta'awiiliyo diliil aan muctabar aheen waa gayru mufiid ( waa xaan faa'ido lahayn ) , waa sida cidii inkirto waajibnimada shanta salaadood una inkirto jahli nimo waajibnimadooda ; jahlinimadaan ayuu gaal ku naqaa, sidaas oo kale haduu ku'awilo macno aan aheen kii layaqaanay waa ku gaaloowaa; maxaa yeelay cilmiga kasoo xasilay nusuusta quraanka iyo axaadiithta ku tuseedo fadligooda waa qadci, cidii ku gaar yeesho qaarkood cay oo ah cid uu naqligu mutawaatir ku naqday fadligiisa iyo dhameestirnaashahiisa sida khulafaa'u rraashidiinka haduu ictiqaadiyo xaqnimada caydiisa ama banaanaashaheeda wuxuu ku gaaloowaa beeneentiisa wax rasuulka si go'an ugu sugnaaday cidii beeneedo waa gaal , haduu caayo asoo ictiqaadsaneen xaqnimada caydiisa ama banaanaashaheeda faasiq ayuu naqaa maxaa yeelay cayda qofka muslimka ah waa fusuuq ( fisqi ) , culumada qaarkood ayaa ku xakuntay cidii labada shiikh ( abuu bakar iyo cumar ) caydo gaal nimo aan kala qaad lahayn ,allaah ayaa og.
        --------------
        Sida imaamu axmed iyo imaamu maalik sida uu khalaal kitaabu sunnah ku soo saaray baga : (493) dabcada daru raayah wuxuu yiri waxaa noo waramay abuu bakar almaruudi wuxuu yiri : abaa c/laahi ayaan waydiiya cida caydo abaa bakar iyo cumar iyo caa'isho ( xukunkeeda )? Wuxuu yiri : ma arki in uu islaamka ku sugan yahay.
        Wuxuu yiri: waxaan ka maqlay abaa cabdilaahi ( axmed ibnu xanbal ) oo dhahaayo: maalik ayaa dhahay: kan caayaa asxaabta nabiga
        صلى الله عليه وسلم
        Islaamka wax qayba kuma lahan " waa saxiix.
        --------------------
        Haduu yahay cid uu naqliga ku tawaaturin fadligiisa iyo kamaalkiisa sida daahirka ah qofka caayo waa faasiq illaa in uu ucaayayo mooyee saaxiibnimadiisa rasuulka
        صلى الله عليه وسلم
        Taasu waa gaal nimo, sida badan raafidada caydo saxaabada gaar ahaan khulafaa'u raashidiinka waxay caqiideesanyihiin xaqnimada caydooda iyo in ay banaantahay iskaba daayee in ay waajib tahay ; maxaa yeelay allaah ayee ugu dhawaanaayaan , waxayna u arkaayaan umuuraha diintooda tan ugu wayn, sida laga soo guurshay ayaga, maxaa ka caqli dhumitaan badan qolo ugu dhawaaneedo allaah sareeyee wax keenaayo khasaara nimada diintooda allaah ayaa xaafida .
        aniga ma ictiqaadaayo gaalnimada cid allaah aktiisa muslim ka ah iyo islaam nimo cid allaah aktiisa gaal ka ah , iskaba dhaaf waxaan ictiqaadaa cidii aktiisa gaal ka ah in ay gaal tahay, waxa ka sugnaaday culumada oo ah in ahlu qiblaha la gaaleen karin ; waxaa lagu xumbaaraa cidii ay bidcadiisu mukafira ahayn, waxaan shaki ku jirin beeneynta rasuulka - amaanta allaah iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - si go'an ugu sugnaaday in ay kufri tahay, in jahli loogu sugnaado waxaas oo kale cudur daar maahan
        الله أعلم.
        Kafiiri kitaabka:
        الرد على الرافضة للإمام المجدد محمد بن عبد الوهاب النجدي . تحقيق وتعليق : أبوبكر عبد الرزاق النهمي . صفحة (54-64) .
        Zamankaan aan joogno hadaan milicsano waxa ay ka aaminsantahay dawlada raafidada ithna cashariyah iiraan asxaabta rasuulka
        صلى الله عليه وسلم
        Hadaa yahuuda lawaydiiyo: kuwee ugu fadli badan dadka diintiina?
        Waxay leeyihiin: asxaabta muuse.
        Hadaa la waydiiyo nasaarada: kuwee ugu fadli badan dadka diintiina?
        Waxay leeyihiin: waxaariyiinta ciise.
        Hadaan su'aalno shiicada: yee-yihiin kuwa dad ugu xun fikirkiina iyo caqiidadiina?
        Waxay leeyihiin : asxaabta muxamed
        صلى الله عليه وآله وسلم .
        Asxaabta nabi muxamed waa kuwa ubadan ay ula banbaxaan shiicadu cay iyo lacnad iyo durid gaar ahaan abuu bakar iyo cumar iyo cuthmaan iyo caa'isho iyo xafso allaah haka raali naqdo dhamaantood , sidaas aawadeed waxay soo aroorsheen duca'u sanamay quraysh:
        ( اللهم العن صنمي قريش - أبو بكر وعمر - وجبتيهما وطاغوتيهما, وابنتيهما - عائشة وحفصة. ...)
        Ducadaan waxay ku taalaa kutubtooda muctabarka ah . Khumayni ducadaan ayuu ku qanuudi jiray subax kasto.
        Waxaad ogaataa magalada ( kaashaa ) ee iiraan kutaalo waxaa ku taal mandiqad lagu maga caabo (baagay fayn ) waxa ku yaal qabri wahmiya ay dhahaan waxaa ku aasan abuu lu'a lu'a fayruuz alfaarisi almajuusi oo ah kii dilay khaliifadii labaad cumar ibnu khadaab, waxay uyaqaanaan niinkaas majuusiga ah qabrigiisa (qabriga aabaha geesiga diinta )
        بابا شجاع الدين
        Waa magac ay u bixiyeen abuu lu'a lu'a almajuusi markuu dilay cumar bin khadab allaah ha ka raali naqdo, Qabriga gidaaradiisa ( darbiyadiisa ) waxay ku qoreen oraahdaan oo ah luqada faarisiga
        ( مرك بر أبو بكر , مرك بر عمر , مرك بر عثمان )
        Hada la macneeyo waa : (abuu bakar ha dhinto , cumar ha dhinto, cuthmaan ha dhinto ) .
        Qabrgaan iiraan dhan ayaa laga soo ziyaartaa xoolo badan iyo taburucaad ayee ku baxshaan, wazaarada awqaafta iiraan ayaa balaarin ku sameesay iyo cosboonaysiin waxay korkiisa ku daabaceen sawiro kaartaat oo loo adeegsado warqada dirida iyo makaatibta la surto.
        Walal waxaas oo dhan aad soo ogaatay iyo culumada islaamka waxay kadhaheen cayda saxaabada dawlada iiraan maahan islaami sida ay isku maga caabee , waa in aan ka digtoonaano afkaartooda si kasto ay u fidiyaan allaah ayaan shartooda ka magan galeena.
        Kafiiri risaaladaan:
        لله ثم للتاريخ للحسين الموسوي ص(80-81).

        تعليق


        • #5
          i Waxay aamin san yihiin Tuqyah:1
          Tuqyadu shiicada akteeda waa been cad iyo munaafiqnimo cad sida uu ku qeexay mufiid kitaabkiisa:1 شرح عقائد الصدوق ص ( 261 )
          .Shiicadu waajib ayee ugu dhigtay qofka tuqyada in uu la imaado, Saadiq waxay ka wariyeen - allaah haka raali naqdee - in uu yiri: " tuqyadu waa diinteeda iyo waana diinta aabayaashay " . Waa been abuuradkooda waana ka fogyahay in uu waxaan dhaho. Qaarkood waxay ku fasireen oraahda allaah
          "إن أكرمكم عند الله أتقاكم " [ الحجرات: 13 ] .
          Kooda ugu tuqyo badan oo aad ugu cabsado dadka , Culamadooda ayaa kasoo rartay mid kamida thiqaadooda in uu yiri: jacfar assaadiq - allaah haka raali naqdo - ayaa jiiftay akteena khulwo u gaara, lamana joogin cid laga shakisanyahay shiicanimadiisa, wuxuu u istaagay weesaqaad wuxuu masaxay dhagihiisa wuxuuna dhaqay labadiisa lugood, wuxuu dukaday asigoo ku sujuudsan lubadka dushiisa labadiisa gacmoodna caqdisan, waxaan dhahnay waxaa laga yaabaa in uu xaqu saas yahay, waxaan maqalnay qaylo, waxaa aragnay nin isku soo tuuray lugahiisa oo dhuunkanaayo oona oo yaayo oo cudur daaraayo , waxaa la waydiiyay xaaladiisa wuxuu yiri: khaliifaha wuxuu ahaa asiga iyo xubnaha dawladiisa in ay kaa shakiyaan anigana ayaka ayaan ka mid ahaa, waxaan go'aansaday in aan baaro mad'habkaada, fursad ayaan raadiyay ilaa aan ku guuleesto habeenkaan , guriga ayaan soo galay waana is qariyay cidna ima arag, allaah ayaan ugu mahad celinaa oo iga tagsiiyay waxaas , oona hagaa jiyay ictiqaadkeega inanka gabadhii rasuulka allaahaw- sallaa llaahu calayhi wasalam - , iguma harin wax mala xuna, shiikhii ayaa dhahay waxaan ogaanay in uu allaah ka qarineen macsuumka waxba, waxaan kaloo ogaanay in ay tani ka eheed tuqyo. Waa dhamatay oraahdiisa. Waxaa laga fahmaa hadalkooda in uu macnaha tuqyadu yahay in xaqa la qariyo, ama laazimka laga tago, laguna dhaco wixii leeska reebay ayadoo laga baqaayo dadka, allaah ayaa og.1
          Fiiri wax magaradka kuwaas ah ee beenaalayaashaa, tuqyada xun ayee ku dhiseen in ay qariyaan nasnimada khilaafadiisa , iyo in uu la mubaayacooday sadaxdii khulafaa'a, iyo in uu u soo dhaci waayay xaqii faadimo ay ku laheed dhaxalkii aabaheed , sida ay sheeganaayaan , iyo in uu iska celi waayay cumar markuu xoogaayay gabadhii ay udhashay faadumo - allaah haka raali naqdo - iyo waxaas wax lamida oo beena, waxay dhaheen wuxuu usameeyay tuqyo allaah ha hoojiyo beenaalayaashaan, nusuus faro badan ayaa kasoo aroortay cali iyo aalu baytkiisa in ay kabariyihiin waxaan laga sheegaayo, waa been abuurad ay ka sameesay raafidadu sida ay utarwiijiyaan mad'habkooda baadilka ah , waxaan ka dhalaneedo in aan lagu kalsoonaan aqwaasha iyo afcaasha a'imada aalu baytka ; in ay u dhaheen ama usameeyeen tuqyo, haday ula jeedaan oraahdiisa: "diinta aabayaashay " Nabiga - sallaa llaahu calayhi wa salam - iyo kuwii ka danbeeyay, waxay u baneeyeen in uu gaarsiin wuxuu allaah amray gaarsiintiisa asigoo dadka ka baqaayo, in ay khilaafto amarka allaah aqwaashiisa iyo afcaashiisa asoo ayaka ka baqaayo , waxaa ka laazimaayo in aan lagu kalsoonaan nabinimadiisa, waan kafogyahay waxaas oo dhan rasuulkeen sallaa llaahu calayhi wasalam , cidii waxaa ku baneeso nuqsaan ayee ku sameesay , in anbiyada - calayhimu ssallaam - la nuqsaamiyo waa gaalnimo, maxaa ka xun qawl qolo uu ka laazimaayo nuqsaaminta a'imadooda laga bariyeelay waxaas soo hormaray.1

          Waxaad ka fiiridaa risaalada:1
          الرد على الرافضة للإمام محمد بن عبد الوهاب النجدي / حققها وعلق عليها : أبوبكر عبد الرزاق النهمي / صفحة ( 64 - 66 ) / دار الآثار صنعاء.
          التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 21-09-2014, 05:05 PM.

          تعليق

          يعمل...
          X