• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Waa ayo Xuutiyiintu....??!i

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Waa ayo Xuutiyiintu....??!i

    بسم الله الرحمن الرحيم
    إنَّ الحَمدَ للهِ نحمَدهُ ونَسْتعِينهُ ونَسْتغفِرهُ ونَعُوذُ باللهِ منْ شُرورِ أنْفُسِنَا ومِن سَيِّئاتِ أعْمَالنَا ، منْ يَهْدهِ اللهُ فَلَا مُضلَّ لَهُ ومنْ يُضلِلْ فلَا هَادِيَ لَهُ، وأشْهدُ أنْ لَّا إلهَ إلَّا اللهُ وحدَهُ لا شَريْكَ لَهُ ، وأشْهدُ أنَّ مُحمَّداً عَبدهُ ورسُولهُ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وعَلى آلهِ وسَلَّمَ تَسْلِيماً كَثِيراً.

    أما بعد:

    Anoo ku camalfalaya Aayada uu Ilaahay leeyahay:1
    {وَكَذَلِكَ نُفَصِّلُ الْآياتِ وَلِتَسْتَبِينَ سَبِيلُ الْمُجْرِمِينَ}
    Waxa uu yidhi Sheekh Sicdi isaga oo fasiraya Aayadan :1
    {وَكَذَلِكَ نُفَصِّلُ الْآياتِ}
    Waxa aanu cadaynaynaa oo bayaaminaynaa, oo ka soocaynaa dariiqa hanuunka dariiqa baadida si ay ugu hanuunaan kuwa hanuunka raadinaya, iyo si uu u cadaado xaqqa ay tahay in la maro.1
    {ولتستبين سبيلُ المجرمين}
    Dariiqa ku gaadhsiinaya cadhada illaahay iyo cadaabkiisa, maxaa yeelay hadii uu cadaado dariiqa dadka danbiilayaasha ahi waxa suurto gal ah in laga fogaado lagana dheeraado dariiqooga, sidaas waxa ka soo hor jeeda hadii ay tahay dariiqa danbiilayaashu mid aan cadayn oo uu dadka kaga jiro madmadow ma soo xasilayso ujeedadan aadka u wayni – oo ah in la cadeeyo dariiqa danbiilayaasha-. Waxaad ka eegi kartaa tafsiirka sicdi.[1]1

    Hadaba anoo ka duulaya Ayadan waxaan jeclaystay in aan u bayaamiyo oo aan daaha uga qaado Muslimiinta xaalka iyo khatarta ay leeyihiin Xuutiyiintu, waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu ka dhigo camalkan mid Ilaahay dartii ah.1


    [1]
    F.g: hadalka imaam as-sicdi waxaa la socda wa xoogaa tasaruf ah iyo cadayn la cadaynayo hadalka sheekha

    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 26-08-2013, 02:38 PM.

  • #2
    waa ayo xuutiyiintu ??1
    Waa dhaqdhaqaaq falaago ah kana soo jeeda Shiicada xagjirka ah ee la yidhaahdo “Baadiniyah” oo ka aasaasantay waqooyiga Yamanta (gobalka Sacda).1
    i1- Waxana ay ka go’day Mad-habka Saydiga ee shiiciga ah
    i2- Waxayna ku socodaan (Xuutiyiintu) dariiqa Xisbullaaha ee Lubnaan jooga diin ahaan iyo siyaasad ahaanba.1
    i3- Waxaana ay aaminsan yihiin afkaarta iyo caqaa’idka Raafidada laba iyo tobanlayda (Al Itnaa cashariya).1
    i4- Waxaana ay ku abtirsadaan hogaamiyihii falaagadii koobaad : Xuseen Badrudiin Alxuuti
    i5- Waxaanay isku magacaabaan ururka (Shabaab Mu’min).1
    i6- Hogaamiyahooga Ruuxiga ahi waa: Badrudiin ibnu Amiirudiin ibnu Xuseen ibnu Maxamed Al xuuti.1
    i7- Waxa uu dhashay 17 – jamaadal ulaa- 1345 H, waxana uu ku dhashay magaalada Daxyaan, waxana uu ku barbaaray (Sacda).1
    i8- Waxana lagu tirayaa -Badrudiin- aabaha ruuxiga ee kooxda (Xuutiyiinta).1
    i9- Waxa uu barbaaray isgoo haysta madhabka (Saydiga) gaar ahaan kooxda "jaaruudiya" oo ah kooxda Saydiyada ah ee ugu dhaw Raafidada.1
    i10- Waxana uu tagay oo uu dagnaa dhawr sanno magaalada Dahraan caasimada Iran.1
    i11- Waxaana leexsaday intuu deganaa Dahraan Rafidada aamisan laba iyo tobanka Imaam
    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 09-11-2013, 07:57 PM.

    تعليق


    • #3
      hogaamiyha koobaad ee xuutiyiinta:1
      Waa Xuseen Badrudiin al xuuti
      i12- Waana Curadkii Badrudiin al xuuti.
      1
      i13- Waxana uu ka qaatay tacliintiisii macaahida diiniga, laga bilaabo Dugsigii hoose/dhexe ilaa Dugsigii sare, sidoo kale waxa uu ka qaatay madhabka (Saydiga) aabihii iyo dadka haysta madhabka ee jooga gobolka (Sacda).1
      i14- Waxa uu culuumta diiniga ka qaatay shahaadada (Master), waxa kale oo uu isku diyaarinayay in uu helo shahaadada (P.H. D), ka dibna waxa uu iska daayey sii wadashada tacliinta, waxaana uu jarjaray shahaadada (Master), aaminaada uu ka aaminay in shahaadooyinku ay yihiin wax aan faa’ido lahayn.1
      i15- Waxa uu dadaal dheeraada siiyay isaga iyo rag sarsare oo ka mid ah aqoon yahanno saydiyiin ah si ay u asaasaan “Xisbul Xaqq” sanadii 1990.1
      i16- Waxana loo doortay xubin golaha wakiilada Isaga oo matalaya “Xisbul Xaqq” waxana laga doortay goobadii Maraan laga bilaabo 1993 ilaa 1997.1
      i17- Wax uu siyaartay Iran oo uu ku nagaaday isaga iyo aabihii dhawr bilood magaalada “Qumm” sidoo kale waxa uu siyaartay “Xisbu llaah” ee Lubanaaniga ah.1
      i18- Waxana uu asaasay kooxda layidhaahdo “Ashabaabul Mu’min”(1) sanadii 1991.1
      i19- Kadib markii uu asaasay kooxdan waxa uu u tafaruqay in uu jeediyo duruus iyo Muxaadarooyin uu u qabanayo dadka taageersan
      iyo kuwa u nusreeya.
      1
      i20- Waxa intaa u dheer -Xuseen - in uu leeyahay asluub dadka soo jiidanaya gaar ahaan marka uu wax soo bandhigayo, gaadhsiinta Afkaaraha – khaldan -, in lagu ciyaaro cawaadifta (Dareenada) dadka iyo sida loo sameeyo laba wajiilnimada.1
      i21- Waxa u iman jiray dhalinyaro la dhacasan afkaartiisa, waxana ay ka iman jireen badh ka mida gobolada kale, halkaas oo ay ka heleen agtiisa hoy iyo wax kufilan, waxana dhalin yartu ay u iman jireen gaar ahaan marka lagu jiro fasaxa Xagaaga iyo munaasabadooyinka khaaska ah ee ay qabsadaan Raafidadu.1
      i22- Waxa uu ku tiriyaa – xuseen – naftiisa nin waxa hagaajinaya iyo nin cusboonasiiyay culuumta Mad-habka – Ithnaa cashriga – .1

      i23- Waxa uu kor u qaaday calamo xoojinaya oo taageeraya "Xisbu llaah" ee lubnaaniga ah, waxa kale oo uu kor uga qaaday calmadamadiisa badh kamida maraakista hoos timaada.1

      i24- Waxa uu ku celcelinjiray Duruustiisa iyo Khudbadihiisa weedhahan: Is uruunin, is diyaarin, bixitaan, jihad – oo ah in lala dagaalamo cidda ka soo horjeesata fikirkooda -, Nafta in loo diyaariyo huritaan, inaan laga baqin cida dadka jihaadka ka fadhiisinaysa iyo cida ka hadhay iyo in la adkeeyo ama la xoojiyo nasriga Ilaahay ee u imanaya dadka la tun jilicsaday. 1
      i25- Waxa uu ka dhisay manadiqado fara badan Tobaneeyo maraakis oo wax lagu barto taas oo ka kasbaday boqoleeyo ama kumaneeyo arday oo isugu jirta dhalinyaro iyo da’yar.1
      i26- Waxa uu samaystay ilaalo adag, isaga oo ku andacoonaya in uu yahay mid uu Maraykanku bartilmaamsaday.1
      i27- Waxa uu hogaamiyay kacdoon lagaga soo horjeedo dawalada Yementa, waxana lagu dilay –Xuseen Ilaahay uma naxariistee – dagaalkii ugu horeeyay – ee ka dhaxeeyay xukuumada Yementa iyo Falaagada Xuutiyiinta – sanadii 2004 isagoo ah 46 jir. 1

      Halkaa ayuu ku eeg yahay siiradii Madaxii ugu horeeyay
      ee dhiigaya cabka ahaa ee Xuutiyiinta - Ilaahay sharkooga hanagaga filnaadee - 1

      __________________________________________________ ______
      i(1) Waxa uu odhan jiray Imaamu Muqbil al waadici - Ilaahay ha u naxariistee - marka uu ka hadlayo falaagadan "Ashabaabul Mu'min": "Shabaabul Mujrim
      التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 08-12-2013, 08:35 PM.

      تعليق


      • #4
        hogaamiyha labaad ee Xuutiyiinta
        Waa
        Cabdi Malik Al xuuti
        i28- Waxa uu ku dhashay Sacda sandii 1979 imkana da’diisu waa 34 jir
        i29- Waxa uu ka dhigtay tacliintiisii madaarista diinga ah Saydiyada
        i30-
        Waana khadiib aftahana oo cod karah, awoodna u leh in uu soo uruuriyo kuwa raacsan ee taageersan.1
        i31-
        Kadib markii uu dhintay walaalkii Xuseen alxuutina sanadii 2004, waxa uu madax u noqday Uruka “Xuutiyiinta”, isagoo dhaafay shakhsiyaad cadcad oo ku jira Uruka, waxa ka mid ah – shakhsiyaadkaa – qaar ay walaalo yihiin da’ ahaana ka wayn , waxana uu noqday hogaamiye ugu dhaqdhaqaaqa badan ee ay leedahay falaagadan.1
        i32- Waxa uu asaasay sanadii 2007 website caalamka u gudbinaya wajiga iyo sawirka xarakadan.1
        i33-
        Ragga ugu cad cad ee ku jira xarakadan waxa ka mid ah: Yaxye al xuuti, da’diisuna imika waa 53 jir
        i34- Waxana isku hooyo iyo isku aabe yihiin Xuseen al Xuuti – Ilaahay uma naxariistee –1
        i35- Waxana uu dagan yahay – Yaxye al xuuti – caasimada Jarmalka ee “Berlin” ilaa dhamaadkii 2004, kadib markii uu codsaday magan-galyo siyaasadeed.1

        Intaas ayay ku eeg tahay taariikhdii koobnayd ee
        Madaxii labaad ee Dhiigyo cabka ah – Ilaahay fasaadkiisa ha ka qabto umaddee-1
        التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 25-12-2013, 05:47 PM.

        تعليق


        • #5
          المشاركة الأصلية بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري
          waa uu sii soconayaa mawduucu si aanu u cadayno fasaadka Xuutiyiinta .......1

          Waxa ka mida fasaadka Falaagadan xagjirta ah ee loo yaqaan
          "Xuutiyiinta" wax yaabaha ay ku kacayaan dhawrkan usbuuc ee ugu danbeeyay oo ahaa dil iyo dhaawaca ay dilayaan dhaawacayaana Ardayda joogta Markaska Ahlu- Sunnaha ee ku yaal Mandiqadda "Dammaaj"
          - Ilaahay ah u gargaaree - i

          Waxna aad kala socon kartaan wararka Dammaaj halkan

          تعليق


          • #6
            Waxyaabaha ay aaminsan yihiin (Caqaa'idooda) Xuutiyiintu
            Waxa ay aaminsan tahay xarakadani fikirka Raafidiga ah ee Itnaa-cashriga (laba iyo tobanka Imaam), waxyaabaha ugu waawayn ee ay ku baaqaan waxa ka mid ah:1
            i36- In ay ugu yeedho dadka “Imaamada”: oo macneheedu yahay : soo noolaysiinta fikrada dardaarankii Imaamu Cali binu Abii Daalib, iyo in aanuu u qalmin madxtinimada cid aan ahayn inamadii Cali binu Abii Daalib mooyaane.1
            i37- In dadka lagu dhex faafiyo fikrada ku bixida madaxwaynaha, iyo in la diyaariyo dad si ay uga hor tagaan Xukuumadda.1
            i38- Dhiiri galinta dhirbaaxida Assuniya - oo ay uga jeedaan Ahlu-sunnaha-, waayo waxa ay jecel yihiin oo ay xidhiidhiyaan Abu bakar iyo Cumar, kana horaysiiyaan Cali.1
            i39- In la sharfo kacdoonkii Khumayni, iyo Ururka (Xisbullah) ee ku sugan Lubnaan, waxana ay ka dhigaan tusaalaha ay waajib tahay in lagu dayado.1


            i40- In laga bari noqdo saddexda Khulafaa Araashidiin si gaar ah, iyo in laga bari noqdo saxaabada si guud ahaan, waayo waxa ay yihiin asalkii balaayoda Umadda haysata manta! Sida ay sheeganayaan.1
            التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 12-01-2014, 08:14 PM.

            تعليق


            • #7
              i44- Waxa uu ka yidhi Xuseen al xuuti Baycadii Abu bakar ( oo ah in uu noqdo Abuu Bakar Madaxwayne) : “sharka Baycadaasi ilaa imaka waa uu taaganyahay”.1
              i45- Waxa kale ee uu yidhi: “Mushkiladda abu bakar iyo Cumar waa mushkilad khatar ah, waana kuwa ka danbeeya halka ay gaadhay Ummadu, waana kuwa ka danbeeya Indho la’aantan laga indho la’yahay xalka.1
              i46- Waxa kale ee uu yidhi: “Salafu Saalix – saddexdii qarni ee ugu horeeyay ee Ummaddan – waa kuwa ku ciyaaray Umada, waana kuwa asaasay ee bilaabay mugdiga ummada, kala kaxeeyayna umadda, Waayo Qofka odhanaya Salafu Saalix shakhsiyaadka ugu cad cad ee ku soo dagdagays maskaxdiisa waa: Abu baka, Cumar, Cusmaan, Mucaawiye, Caa’isha, Camar ibnu Caas iyo Muqiira ibnu Shucba, noocanaa salafu saalix ah !! , tanina sidoo kale waa mid aan guulaysanayn…)i
              i47- Waxa ay u hayaan Cadaawad si gaar ahaan ah Cumar ibnu Khadaab kaas oo Ilaahay ku bakhtiiyay Gacmihiisa Dabkii iyo Fitnadii Majuusta.1
              i48- Waxa uu yidhi Xuseen Al Xuuti – Ilaahya uma Naxariistee - : Sida aan qabo oo aan aamin sanyahay Mucaawiye waa Xumaan ka mid ah xumaanaha Cumar, Mucaawiye waxa kale muu ahaan ilaa Xumaan ka mid ah xumaanaha Cumar ibnu Khadaab, Abu Bakarna waa mid ka mida Xumaanaha Cumar, Cusmaana waa mid ka mida Xumaanaha Cumar.1

              Intaa ayay ku eeg tahay Qaybtii 1aad ee maqaalka

              Ilaahay waxa aan ka baryayaa in uu sharka falaagadan ka qabto umadda Islaamka

              Turjume:1
              Abu Sulaym Cabdalle Cali Yaasiin
              Hargaysa – Masjika Al Khayr

              Fiiro gaar ah:1
              Maqaalkan waxa uu Turjumaad u yahay Maqaal magaciisu uu yahay
              (من هم الحوثيون)
              oo ku jir Shabakadda aloloom.net
              Maqaalka oo af Carabiya waxa aad ka helaysaa halkan
              http://aloloom.net/vb/showthread.php?t=10563
              التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 13-01-2014, 05:10 PM.

              تعليق

              يعمل...
              X