• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Taraajumta qaar kamida culumada Ahlu-Sunnah

تقليص
هذا موضوع مثبت
X
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Taraajumta qaar kamida culumada Ahlu-Sunnah

    Tarjumo kooban oo ku saabsan al imaaam sh/ Ibnu Baaz
    الحمد لله وحدة والصلاة والسلام على رسول الله وآله وصحبه وسلم أما بعد:
    Walal halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tarjumo kooban oo ku saabsan shiikh Ibnu Baaz
    Fadiilatu shiikh alcallaamah al faqiih cabdul caziiz ibnu cabdu llaahi ibnu cabdi raxmaan ibnu maxamed ibnu cabdallah aala baaz, muftigii hore ee boqortooyada sacuudi carabiya , allaah ha u naxariisto.


    Dhalashadiisii iyo korintaankiisii :-1



    Wuxuu ku dhashey magaalada riyaad oo ah caasimada najdi bishii dil xijah sanadkii 1330 ( h ) , wuxuu kusoo barbaarey yaraantiisa dalabul cilmi wuxuuna ka dhashey qaws deeqsiya oo jecel cilmiga iyo ehelkiisa, wuxuu ka bilaawey wax barashadiisa xifdinta quraanka kariimka wuu xifdiyey intuu qaan gaarin intaa kadib culuumta sharciga iyo culuumta carabiyada ayuu ka dalbey culumadii riyaad ku sugneed.
    Culumadii uu wax kabartey kuwii ugu cadcadaa :-
    • shiikhul callaamah maxamed ibnu cabdi ladiif ibnu c/raxmaan aala sheekh ( ee reer sheekh : reer shiikhu waxey ku abtirsadaan sh/ maxamed ibnu c/wahaab annajdi attaymi ) .
    • shiikh saalax ibnu c/caziiz ibnu c/raxmaan aala sheekh oo ahaa qaadigii hore ee riyaad.
    • sh/ sacad ibnu xamad bin catiiq oo kamida reer catiiq qaadigii hore ee riyaad.
    • sh/xamed ibnu faaris oo ahaa wakiilkii hore ee baytul maalka.
    • sh/ sacad waqaas albukhaari oo ku sugnaa magaalada makal mukaramah gaar ahaan ayuu tajwiidka uga qaatey.
    • samaaxatul mufti sh/ maxamed ibnu ibraahiim aala sheekh allaah ha unaxariisto, shiikhaan ayuu duruusta dhamaanteed ka qaatey darsigiisa wuxuu laazimey toban sano ku dhawaad wuxuu wax kadhigaayey laga bilaawo sanadka 1347 - 1357 (h) illaa sheekha loo sharaxey qadaha ( qaadi nimo ).
    Shiikha diraasada uu ka dhigaayey waxay aheed diraaso nidaam khaasa leh , waa nidaam isku xig xiga oo laga bilaawaayo kan ugu muhiimsan .
    Marka ugu horeedo waxaa laga bilaawaayo diraasada caqaaida wuxuu kabilaawaa usuulu thalaathah, wuxuu ku xijiyaa kashfu shubuhaat, wuxuu kaloo ku xijiyaa kitaabu tawxiid, kadib caqiidatul waasidiyah, sidaas si lamida oo isku xig xigta wuxuu udhigay fiqiga sidaas oo kale faraa'idka dhawr jeer ayuu aqriyey , sidaas oo kale naxwada ayuu udhigey laga bilaawo ajruumiyaha kadib mulxaha kadib qadru nidaha ilaa aakhirka.
    Shiikha waxaa lagu tirsha cilumda mujtahidiinta ee casrigaan aan joogno , allaah wuxuu ufududeeyey culuumta carabiga oo suurta galisey in uu fiiro kufilan uyeesho culuumta diinta , shiikha markiisa hore dadaalkiisa wuxuu saarey culuumta shareecada gaar ahaan mad'habka xanbaliga , wuxuu kaloo dadaalka saarey xadiithka matni ahaan iyo sanad ahaan, sidaas oo kale culuumta quraanka kariimka taas oo ka yeeshey shiikha in lagu tirsho culumada caalamul islaami ugu cadcad, allaah kheyr haka abaal mariyo dhamaantood.



    Mu'alafaadkiisa: -1

    • الفوائد الجلية في المباحث الفرضية.
    • نقد القومية العربية.
    • توضيح المناسك.
    • رسالة في نكاح الشغار.
    • الجواب المفيد في حكم التصوير.
    • رسالة في التبرج والحجاب.
    Iyo in badan allaah cilmigiisa umada haku anfaco.... Aamiin.
    Wuxuu ahaa mid fadli badan allaah ha unaxariisto oo aad ugu samafalo muslimiinta sida laga sheegey mid iyo hal waxaan eheen, oo allaah dartiisa iyo rasuulkiisa unaseexeeyo iyo aimada muslimiinta unaseexeeyo iyo caamadooda , wuxuu ahaa deeqsi allaah ha unaxariisto, dadka ayaa jeclaadey oona sooqaabiley, in badanna waa ka faa'ideesatey, allaah wuxuu kusoo hanuunshey labadiisa gacmood adoomo ( dad ) , allaah waxaan waydiiseenaa in uu unaxariisto naxariis balaaran, uuna ka abaal marsho waxa uu uhormarshey diintaan.



    Geeridiisii: -1

    Waxaa la oofsadey allaah ha unaxariisto bishii muxaram sanadkii 1420 ee hijradii nabiga, saas ayee umadu ku waydey tiir kamida tiirarka cilmiga iyo diinta iyo wanaaga iyo hagaajinta ee zamankaan, allaah ha unaxariisto naxariis balaaran, hana dajiyo fardawsadii sareedey oo kamid aheed janooyinkiisa.... Aamiin.
    tarjumadaan waa tarjumo yar oo hordhac ahaan shiikha loogu sameeyey kitaabkiisa
    شرح كتاب التوحيد لامام ابن باز ط:دار الفرقان
    wixii talaa iyo mulaaxada cinwaankaan noogu soo hagaaji



    [email protected]

    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 16-07-2014, 11:22 PM.

  • #2
    turjumo kooban oo ku saabsan shiikh zayd al
    madkhali

    shiikh zeyd bin muxamed ibnu haadi almadkhali wuxuu ku dhashey tuulada rukuubah sanadii 1357(h) halkaas ayuuna ku soo barbaarey uuna waxbarashadisii kabilaawey wuxuuna kagaley madarasadii saamidah ee salafiyada aheed .

    sanadii 1368 (h) waxuu haleeley uu wax kadhigtey sh xaafid alxakami .
    markii mac'hadka cilmiga ahaa laga furey saamidah ayuu galey wuxuu ka qalin jabiyey sanadii 1379/1380 (h).
    markaa kadib waxuu galey kuliyadii shareecada ayadana wuxuu ka qalan jabiyey sanadii 1383/1384 (h).
    machadkii cilmiga ee saamida ayuu macalin ka noqdey inta uuna ka qalan jabin wuxuu dhigaayey illaa laga fadhiisiyey sanadkii 1417/7/1 (h).
    waxuu ahaa shiikhu cidii ugu horedey ee maktabad salafiya kheyriya ka hergelidey magaalada saamidah sanadkii 1418(h) maktabadu waxey ka koobneed in kabadan 4000 oo kitaab waxaa ka faaideesatey maktabadaas ardeydii shikh usoo xereeseedey xiligii uu shiikhu fadhiistey .
    waxuuna shiikhu dhigi jirey fiqiga iyo caqiidada iyo sunanta shiikha duruustiisu waxey ujadwalsaneed isbuuca oo dhan ayadoo jirto duruus uu ka bixi jirey dawradii shiikh c/dulaahi al qarcaawi allaah ha u naxa riisto taas oo ka bilaawatey saamidah sanadkii 1415 (h).
    mashayida shiikha waxaa kamida:

    ـ الشيخ / علي بن محمد حاج مهجري
    المدخلي رحمه الله
    2 ـ الشيخ / هادي بن هادي المدخلي
    3 ـ الشيخ / عبد الله بن محمد القرعاوي رحمه
    الله
    4 ـ الشيخ / حافظ بن أحمد الحكمي رحمه
    الله
    5 ـ الشيخ / محمد بن أحمد الحكمي رحمه الله
    6 ـ الشيخ / جابر بن سلمان المدخلي حفظه
    الله
    7 ـ الشيخ / علي بن يحيى البهكلي حفظه
    الله
    7 ـ الشيخ / أحمد بن يحيى النجمي رحمه الله
    8 ـ الشيخ / حسن بن محمد شبير النجمي
    رحمه الله
    9 ـ الشيخ / محمد بن محمد جابر المدخلي
    رحمه الله
    10 ـ الشيخ / ناصر بن خلوفه طياش مباركي
    رحمه الله
    11 ـ الشيخ الدكتور / محمد أمان بن علي
    الجامي رحمه الله
    12 ـ سماحة الشيخ / عبد العزيز بن عبد الله
    بن باز رحمه الله
    13 ـ الشيخ / عبد الرحمن النجدي رحمه الله
    14 ـ الشيخ / عبد الله بن عبد الرحمن
    الغديان رحمه الله عضو هيئة كبار العلماء
    15 ـ الشيخ / محمد عطية سالم رحمه الله
    ardeyda shikha:

    shiikha ardeydiisa aad ayey ubadnaayeey mana ahan kuwa cadadkooda lasoo koobi karo waxeyna kasoo kala jedeen dalal badan oo caalamka ah ardeydu waxey iskugu jireen kuwa qalin jabiyey oo ducaad noqdey. aradeydiisu waxey ubadnaayeen wadamadaan:
    المملكة العربية السعودية،
    واليمن،
    واﻹمارات العربية المتحدة،
    والبحرين،
    والكويت،
    وقطر،
    والمغرب،
    والجزائر،
    وتونس،
    وليبيا،
    والسودان،
    ومصر،
    وإندونيسيا،
    ودول
    من أوروبا وأمريكا،
    waxa sii dheer kuwa kala socdey duruusta shiikha wapkiisa allaah janatul firdawsa haka waraabiyo .
    mualafaadka shiikha :

    shiikhu wuxuu ta'aliifka bilaawey afartan sano jir ka hor .
    kitaabkiisii ugu horeyey wuxuu alifey asoo jiro 37 sano , illaa hada mualafaadka shiikha waxey dhaafeen 60 kitaab .
    waxaa kamida:
    ـ شرح القصيدة الهائية لناظمها الشيخ
    العﻼمة / حافظ بن أحمد بن علي الحكمي
    رحمه الله تعالى .
    2 ـ الحياة في ظل العقيدة اﻹسﻼمية .
    3 ـ المنهج القويم في التأسي بالرسول
    الكريم صلى الله عليه وسلم .
    4 ـ اﻷفنان الندية شرح منظومة السبل
    السوية لفقه السنن المروية 9 أجزاء .
    5 ـ قبس من اﻷفنان الندية ﻹيضاح مناسك
    الحج المروية .
    6 ـ اﻷجوبة السديدة على اﻷسئلة الرشيدة
    6 أجزاء.
    7 ـ الجهد المبذول في تنوير العقول بشرح
    منظومة وسيلة الحصول إلى مهمات اﻷصول 3
    أجزاء .
    8 ــ وجوب ستر الوجه والكفين وشروط حجاب
    المرأة المسلمة .
    9 ـ فقه الدعوة إلى الله ونعوت الداعية .
    10 ـ البحث الوجيز في نصرة الحق العزيز .
    11 ـ كلمة حق حيال حدث تحدى به صانعوه
    شريعة اﻹسﻼم وقيم المسلمين .
    12 ـ تدوين ثﻼثة أسئلة مهمة رجونا باﻹجابة
    عليها المثوبة ونفع اﻷمة .
    13 ـ العقد المنضد الجديد في اﻹجابة على
    مسائل في الفقه والمناهج والتوحيد الجزء
    اﻷول بتحقيقي والثاني والثالث باﻻشتراك
    مع اﻷستاذ / علي بن زيد المدخلي .
    14 ـ عوامل النصر الشرعية أو أسباب النصر
    الشرعية وصفات المجاهدين المرضية .
    15 ـ الديوان المليح المشتمل على الطرفة
    الحكيمة، والنصيحة القويمة، والقول
    السديد، بطريقي التصريح والتلميح .
    16 ـ المنظومات الحسان في العقائد والمناهج
    وقطوف من علوم القرآن .
    17 ـ النظم المختار لبعض موضوعات "
    المنظار " مع إضافات كان مرجعها صحيح
    اﻵثار .
    18 ـ الفتاوى المضيئات في حكم الدخان
    والشمة والقات .
    19 ـ الموقف الحق مما ابتلي باستعماله
    كثير من الخلق .
    20 ـ الشيخ حافظ الحكمي حياته وجهوده
    العلمية والعملية .
    21 ـ قطف الجنى المستطاب شرح عقيدة
    المجدد محمد بن عبد الوهاب .
    22 ـ اﻹرهاب وآثاره السيئة على اﻷفراد واﻷمم .
    23 ـ قطوف من نعوت السلف ومميزات منهجهم
    في أبواب العلم والعمل .
    24 ـ أسباب استقامة الشباب وبواعث
    انحرافهم .
    25 ـ ﻻ حيرة بعد اﻹطﻼع بل إنابة وتنفيذ
    واتباع .
    26 ـ الرساﻻت القيمة إلى المرأة المسلمة .
    27 ـ طريق الوصول إلى إيضاح الثﻼثة اﻷصول
    بتحقيقي .
    28 ـ أبرز الفوائد من اﻷربع القواعد
    بتحقيقي .
    29 ـ سلم الوصول إلى بيان الستة اﻷصول
    بتحقيقي .
    30 ـ التعليقات المباركات على كشف
    الشبهات بتحقيقي .
    31 ـ اﻷجوبة المختصرة على اﻷسئلة العشرة .
    32 ـ السراج الوقاد، في بيان تصحيح
    اﻻعتقاد، والرد على فرق الزيغ والفساد .
    33 ـ الرد النافع المفيد، على من قال إن
    الناس اليوم يحتاجون إلى وحي جديد .
    34 ـ نثر الورود على حائية ابن أبي داود .
    35 ـ العمل اﻷسنى نظم وشرح أسماء الله
    الحسنى .
    36 ـ أوضح المعاني شرح مقدمة رسالة ابن أبي
    زيد القيرواني .
    37 ـ نصيحة غالية وكنز ثمين بتحقيقي .
    38 ـ الشروق على الفروق بين الكفر والشرك
    والنفاق والفسوق .
    39 ـ قبس من الشروق على الفروق بتحقيقي
    40 ـ مجموعة رسائل الجزء الثاني بتحقيقي
    41 ـ التعليق المتين على كتاب أصل السنة
    واعتقاد الدين لﻺمامين الرازيين أبي حاتم
    الرازي وأبي زرعة الرازي برواية ابن أبي حاتم
    الرازي
    42 ـ نزهة القاري في شرح كتاب العلم من
    صحيح البخاري
    43 ـ التعليقات الحسان على أصول اﻹيمان
    لشيخ اﻹسﻼم / محمد بن عبد الوهاب رحمه
    الله
    44 ـ التعليقات اللطيفة على أصول السنة
    المنيفة لﻺمام الرباني أحمد بن حنبل
    الشيباني رحمه الله
    45 ـ النصح والبيان لمؤلف كتاب الجودة
    واﻹتقان في حلقات القرآن
    46 ـ يوم الجمعة شرفه وفضله ومكانته
    47 ـ التعليق على تلبيس إبليس تعليقات
    في باب العقيدة
    48 ـ وقفات ومعالم سؤاﻻن وجوابهما
    49 ـ اﻷجوبة اﻷثرية عن اﻷسئلة المنهجية
    خمسون سؤاﻻً وجواباً
    50 ـ اﻹرشاد إلى توضيح لمعة اﻻعتقاد
    51 ـ اﻹيضاحات السنية ﻷصول العقائد
    الدينية
    52 ـ المجموع اﻷصيل لتوضيح العقائد
    بالتفصيل
    53 ـ الفوائد الجلية من شرح مسائل الجاهلية
    kutubtaan daabacaad ayaa kusocoto
    53 ـ شرح كتاب التوحيد الذي هو حق الله على
    العبيد لﻺمام محمد بن عبد الوهاب رحمه
    الله .
    54 ـ مجموع خطب الجمعة .
    55 ـ شرح الواسطية
    56 ـ شرح ﻻمية ابن تيمية .
    57 ـ وقفات أخوية مع بعض أبيات من قصيدة
    رد التحية .
    58 ـ شرح الدرر البهية .
    59 ـ الطبيب الكامل هو العارف بأمراض القلب
    والروح والبدن وعﻼجها .
    60 ـ تفسير القرآن العظيم .
    61 ـ شرح اﻷدب المفرد

    waxaa amaaney shiikha kutubtiisa mashayikh iyo masuuliyiin badan waxa kamida :

    الشيخ العﻼمة / محمد بن أحمد الحكمي
    رحمه الله .
    ـ الشيخ العﻼمة / أحمد بن يحيى النجمي
    رحمه الله .
    ـ الشيخ المحدث البروفيسور / ربيع بن هادي
    عمير المدخلي حفظه الله .
    ـ فضيلة الشيخ الدكتور / صالح بن فوزان
    الفوزان عضو هيئة كبار العلماء وعضو
    اللجنة الدائمة لﻺفتاء .
    ـ معالي الشيخ / محمد بن عبد الله بن
    سبيل حفظه الله إمام الحرم المكي وعضو
    اللجنة الدائمة لﻺفتاء .
    ـ فضيلة الشيخ العﻼمة المحدث / عبد
    المحسن بن حمد العباد البدر حفظه الله .
    ـ فضيلة الشيخ اﻷستاذ الدكتور / علي بن
    محمد بن ناصر الفقيهي حفظه الله .
    ـ فضيلة الشيخ الدكتور / صالح بن سعد
    السحيمي المدرس بالمسجد النبوي
    الشريف .
    ـ معالي الشيخ / صالح بن عبد العزيز آل
    الشيخ وزير الشؤون اﻹسﻼمية واﻷوقاف
    والدعوة واﻹرشاد .
    ـ فضيلة معالي الشيخ اﻷستاذ الدكتور /
    سليمان بن عبد الله أبا الخيل مدير جامعة
    اﻹمام محمد بن سعود اﻹسﻼمية حفظه الله .
    ـ اﻷستاذ الدكتور الشيخ / وصي الله بن
    محمد عباس اﻷستاذ بجامعة أم القرى قسم
    الكتاب والسنة والمدرس بالمسجد الحرام .
    ـ فضيلة الشيخ / عبد الله بن سعد بن
    محمد السعد وكيل المعاهد العلمية سابقاً
    بجامعة اﻹمام محمد بن سعود اﻹسﻼمية
    بالرياض .
    ـ سعادة اﻷستاذ / حسن بن علي أبو طالب
    القاضي .
    ـ فضيلة الشيخ / علي بن عبد الله اﻷهدل
    رحمه الله .
    ـ صاحب السمو الملكي اﻷمير / محمد بن
    ناصر بن عبد العزيز آل سعود أمير منطقة
    جازان .
    ـ صاحب السمو الملكي اﻷمير الدكتور /
    فيصل بن محمد بن ناصر بن عبد العزيز آل
    سعود .
    ـ صاحب السمو الملكي اﻷمير / عبد العزيز
    بن سطام بن عبد العزيز آل سعود
    shiikha tarjumadiisa waxa wax kaqorey ardeygiisa fawaz ibnu cali almadkhali.
    waxaad ugu noqo kartaa tariikh nololeedka oo intaan dheer wapka shiikha allaah ha unaxariisto .
    wixiiTalaa ciwaankaan Noogu soodir

    [email protected]

    تعليق


    • #3
      turjumo kooban oo kusaabsan shiikh ibnu cuthaymiin

      magaciisa iyo nasabkiisa:
      abu cabdilaahi maxamed ibnu saalax ibnu maxamed ibnu cuthaymiin almuqbil alwuheybi attamiimi.
      dhalashadiisii iyo soo barbaarkiisii:
      shiikh maxamed waxuu ku dhashey magaalada cuneyza oo kamida magaalooyinka qasiim ee boqortooyada sucuudi carabiya sanadka hijrigu markuu ahaa 1347 ramadaan 27 keedii , wuxuuna kadhashey reer caanku ah ku toosnaanta diinta .
      shiikhu waxuu wax kabartey qaar kamida reerkiisa sida awowgiis dhanka hooyo shiikh c/raxmaan inu suleymaan aala daamig allaah ha unaxariisto waxuu kaxifdiyey quranka , markaa kadib waxuu qaabiley dalabul cilmiga , waxuu bartey khadka iyo xisaabta iyo qaaar kamida funuunta cilmiga .
      allaah shiikha waxuu siiyey dhug iyo himo sareyso iyo ku dadaalka cilmiga iyo culumada uu fadhiyada ku cariiriyo waxaana ugu horeeyo shiikha cilmi badana ah mufasirka ah faqiiha ah c/raxmaan ibnu naasir alsacdi alaah ha unaxariisto .
      shiikhu uma rixleesam dalabul cilmi illaa riyaad mooyee markii laga furey macaahida cilmiga ah sanadkii 1372 hijriga ayuu haleeley.
      markuu dhintey sh/ c/raxmaan alsacdi ayuu lawareegey imaamada jaamica weyn iyo wax dhigidii booska shiikhiisa .
      wax alifidana uma ban bixin ilaa sanadka hijraga markuu ahaa 1382 markaas ayuu alifey kitaabkii ugu horeeyey oo eh
      فتح رب البرية بتلخيص الحمويه
      waa talkhiisin uu ku sameeyey kitaab xamawiyada ee caqiidada oo leeyahey shiikhul islaam ibnu teymiyah.
      inta uu shiikha joogey riyaad shiikh ibnu baaz ayuu ka dhigtey saxiixul bukhaariga iyo rasaaisha sheekhul islaam ibnu teymiyah iyo qaar kamida kutubta fiqiga.
      mashaa'ikhdiisa :-
      • shiikh c/raxmaan ibnu naasir alsacdi alaah ha unaxariisto.
      • shiikh c/caziiz ibnu c/ laahi ibnu baaz alaah ha unaxariisto.
      • shiikh maxamed amiin al shanqiidi alaah ha unaxariisto.
      • shiikh cali ibnu xamad alsaalixi alaah ha unaxariisto.
      • shiikh maxamed ibnu c/caziiz al mudawac allaah ha unaxariisto.
      • shiikh c/raxmaan ibnu cali ibnu cawdaab allaah ha unaxariisto.
      • c/raxmaan ibnu suleymaan aala daamig allaah ha unaxariisto.
      manhajkiisa cilmiga: -
      shiikha manhajkiisa waxuu raacsanyahey manhajka shiikhiisa sacdi manhajkooda waa manhajka culumada reer xijaaz , masaaisha furuucda ee axkaamta fiqiga waxey ku raacaan mad'habka xanbaliga lakiin shiikh sacdi iyo shiikh cutheymiin masail ayey ku khilaafeen mad'habka xanbaliga labadooda aad ayey u ictimaadaam kutubta sh/islaam ibnu teymiyah iyo ibnu qayim lada shiikh mad'hab gooniya ma ictimaadaan waxey cadeeyaan xaqa.
      shiikh kutub faro badan ayuu umada islaamka uga tagey sida: -
      •شرح عقيدة السفارينية
      •شرح الممتع لشرح زاد المستنقع.
      iyo kutub kale.
      allaah ha unaxariisto.





      تعليق


      • #4
        taariikh nololeedka sh/ yaxya alxajuuri

        الحمد لله وحده والصلاة والسلام على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم أما بعد:
        walaaliyaal hakaan waxaan ugu hadleena inyar oo ku saabsan taariikh nololeedka shiikheena yaxya alxajuuri.
        magaciisa iyo dhalashadiisii :
        yaxya ibnu cali ibnu axmed ibnu cali ibnu yacquub alxajuuri.
        waxuu kadhashey qabiilada reer wahaan ee daga tuulada xanjarah ee ku taalo buurta kuceydanah hoosteeda .
        * awawgii axmed ibnu cali ibnu yacquub ayaa uguurey tuulo aad ufog oo leyraa (jabar) ey dagaan ( reer zagaabinah ) reerka tuuladaan dago ayuu kaguursadey , shiikha aabihii reerkaan ayuu kusoo dhex barbaarey ,cuqaasha reerkaan ayuu kaguursadey shiikha hooyadiis.
        * shiikhu waxuu dhashey 40 kahor kacdoonkii jamhuuriyada yamanta.
        * shiikh aabihii waxuu lahaa beer waxaa uga bixi jirey durah iyo simsim masha allaah beerta aad ayey wax soo saar ulaheed, dadka ayaa xiliyada abaarta ka amaaha jireen durada iyo qasabka, sidaas oo kale waxuu lahaa xoolo iskugu jira ari iyo lo'a , nolasha reerkiisa aad ayey uwanaagsaneed .
        shiikha aabihii caruurtiisa oo dhan tarbiyo wanaagsan ayuu kusoo abaabiyey oo ka fog qaad iyo tubaako iyo wax kasto oo xun , waxuuna aad uga xanaaqi jirey haduu arko midkood oo salaada jamaacada iyo raatibadeeda ka gaabinaayo , waxuuna aad ujeclaa inuu naqdo midkood caalim.
        waxbarashada shiikha : -
        shiikha tuuladiisa waxbarasho sidaas ubalaaran kama jirin illaa malcamado quraanka lagu barto mooyee , aabihii waxuu kudarey malcamad lagu magacaabo malcamada shiikha oo leeyahey amiinka tuulooyinkaas oo ah faqiihooda iyo khadiibkooda oo leyraa yaxya alcataabi allaah ha u naxariisto , sida layaqaano waxbarashada malcamadahaas waa sida waxbarashadii horo waa in quranka laga barto adoo fiirinaa musxafka iyo barashada far qurxinta , qofkii katakharujo malcamadahaas waxuu naqaa faqiiha tuuladiisa xaga imaam nimada iyo inuu ka khudbeeyo kutubta khudbooyinka loo diyaariyey .
        macalinka malcamada ardeydiisa shiikha ayuu ujeclaa.
        markuu dhameeyey shiikha malcamadaas waxuu go'aansaday aabihii inuu geeyo magaalada zeydiyah waa magaalo dadka dhexdooda ugu caan baxdey iney tahey magaalo cilmiyeed , maxaa yeeley dadka ayada ayey usoo aadaan waxii fataawaha ah ee ku saabsan furitaanka iyo dhaxalka iyo wixii la halmaalo.
        shiikha aabihii aad ayuu u jeclaa cilmiga iyo diinta , waana soon iyo salaatu leel badnaa, waxba moo ka garaneen suufiyada iyo shiicada iyo firqooyinka kale ee dhunsan , ahiikha allaah waxuu uga bad baadshey wax ka dhigashada suufiyada magaalada zaydiya ku sugan hooyadii oo ka ooydey kaligiis inuu aado balaadkiisa meelaan aheen asigoo yar , aabihii waa iska daayey , ariga ayuu uraaci jirey .
        shiikha aabihii waxuu ahaa qofka ugu horeeyey ee ka dhiso tuulada masjid khashaba oo qaado afartan qof sidaa aawadeed waxuu ahaa jaamica kulmiyo toolooyinka ku hareereesan , markuu dumey dhagax ayuu ka dhisey , shiikha ayaa imaam iyo khadiib ka ahaa , cid kale ayuu usameen jirey oo ariga sii ilaalido , badanaa khudbada waxuu ka akhrijirey kutubta waxuuna ubadnaa kitaabkaan
        الفتوحات الربانية للبيحاني رحمه الله.
        ilaa uu ku siktey inuu xifdiyo ku noq noqashadiisa faraha badan aawadeed .
        qaar kamida mashaa'ikhdiisa: -
        markaa kadib wuxuu aadey sacuudiga waxuu xaadiri jirey salaad subax kadib xalqad quraan aqrisa uu dhigi jirey shiikha qaariga ah ee caanka ah cubeydu llaahi al afgaani allaah ha xifdiyo ee magaalada abha .
        waxuu kale uu ka dhageestey wax kamida saxiixu muslim waxuu udhigi jirey marka uu quraanka ka dhageesto shiikhii ayaa ka safrey.
        waxuu ubadashey shiikha qaariga ah ee maxamed acdam waxuu kadhigtey ilaa suuratul acraaf shiikhii ayaa hadana kasafrey , ruwaayada xafsa ayuu ku dhameeyey quranka shiikha qaariga ah aktiisa maxamed bashiir
        shiikha moo helin cid utilmaamto shiikh ibnu baaz iyo culumada sacuudiga ee cilmiga dhigta illaa uu maqley shiikh muqbil alwaadici oo ku sugan tuulada damaj gobalka sacda dalka yemen oo halkaas culuumta sharciga ku dhigo , shiikhu shiikh muqbil ayuu daartiis barakeesan kusoo haleeley sanadku markuu ahaa 1405 hijriyada, shiikha aabihii ayaa lasocdey makuu daarta imaanaayey shiikh muqbil ayuu kala dardaarmey muuna kazuulin aabihii inuu yahey mid kusaacidaay maal uu cilmiga ugu kaalmeesto.
        shiikhu illaa xiligaa shiikha ayuu hoos fadhiyey illaa uu wax badan ka faaideestey .
        shiikha safarka faraha badan majecleen iyo inuu waqtigiisa ku dayaco waxaan faaido laheen.
        shiikheena yaxye shiikh muqbil iyo culumada daarta oo ah ardey mustafiidiinta ayuu wax ka faa'ideestey.
        intaa kadib shiikh muqbil waxuu ahaa haduu uu xanuunsado ama safro waxuu fari jirey duruusta inuu sii aqriyo shiikh yaxye allaah haxifdiyo .
        marka uu shiikh cimrigiisu soo dhawaadey waxuu farey in uu khaliif u naqdo .
        qaar badan ayaan umaleenaayey haduu shiikhu dhinto in ey dacwadu baaba'eeso uu markazkuna naqanaayo meel xoolaha calaf lagu siiyo iyo meel lagu qayilo sida uu maqley sheekheen yaxye iyo ardey kale lakiin hasa yeeshee allaah dacwada sheekha waa ka ilaalshey xasadka ahlu bidaca iyo qaar kamida ardeyda shiikha ey aduunyadu qaadey , xili kasto dacwadu kor ayey usii socotey , dadka quluubtoodana aad ayey usoo qaabishey. dhimashada shiikha dabadeed ardeyduna aad ayey uziyaadaayeen , allaah hasii ziyaadiyo hana ka qabto raafidadaan qoryaha usoo qaadatey duminta dacwada shiikha allaah haka ilaaliyo .
        fadligaa oo dhan allaah ayaa leh, allaah waxuu yiri:
        "وما بكم من نعمة فمن الله "
        allah waxaa weydiiseenaa in uu bilaadkaan uu rasuulku kutilmaamey imaanka iyo xikmada iyo wadamada muslimiinta wax kasto oo xun ka ilaaliyo.
        shiikha dhaxal badan ayuu udiyaarshey umada muslimiinta halkaan kuma soo koobi karno.
        shiikha waxuu leeyahey kutub isku jirto shuruuxaad iyo rasaail., allaah umada haku anfaco, raafidadaan dhibka kuheyso allaah ha ka qabto.

        turjumadaan ayadoo dhameestiran ka fiiri wapka shiikha ama barnaamijka lagu diyaariyey fataawaha shiikha
        كنز الثمين .
        aniga halkaan waan ku tasarufey.
        allaah diintiisa hanugu sugo.
        والله أعلم
        3/ربيع الأول /1435الهجرية.

        تعليق


        • #5
          tariikh nololeedkii sh/xasan xabeeb oo kooban
          الحمد لله وحده والصلاة والسلام على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم أما بعد :
          mahad oo dhan allaah ayay usugnaatay kaligiis amaan iyo nabadgalyo nabigeena dushiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo
          asxaabtiisa intaas kadib walaalahayga aan allaah dartiis iskujecelnahay halkaan waxaan niigu soogudbinaa taariikh nololeedkii sh/ xasan xabeeb oo kooban .
          magaciisa : sh/ xasan cali maxamed .
          dalbidiisa cilmiga sharciga ah :‎‏-‏
          walaaliyaal sh/xasan xabeeb culuumta sharciga in badan ayuu dalbaayay sida uu kawaramay sh/ c/qaadir cukaasha oo rafiqiisa ay in badan ay cilmiga islasoodalbaayeen ahaa allaah ha ilaaliyo waxuu ku waramay sh/ cukaasha in ay isgaranaayeen sh/ xasan xabeeb in kabadan 30 sano ayna cilmiga isla dalbaayeen ayna wax kawada dhiganaayeen sh/‎‏ ‏nuur maxamed qawi ay kadhigteen sida saxiixul bukhaariga iyo sunan altirmidi iyo sunan abu daud iyo kutubo kale .
          dacwadiisa:-
          sh/xasan xabeeb waligiis kama qayb galin axzaabtaan jirto iyojamaacaadkaan hada jira sidoo sh/cukaasha kuwaramay wagii umada manhajka salafka (xaqa) ubidhaamiyay waxuu kamid ahaa ruwadeedii iyo culumadeedii ,wuxuuna ahaa nin geesiya oo waxa uu aaminsanyahay geesi ku ah oo muujisto oo aa lagambanin .
          qof kasto oo manhajka khilaafto haba naqato ehelkiisa wuxuu ahaa mid manhajka xaqa ah sifiican ugu cadeeyo , cid uu xaqa cadeentiisa uga baqi jiray majirin mid fog iyo mid dhaw ha ahaado , wuxuuna ahaa nin aan xaqa uga tanaazulin cid canaanata iyo cid eedeysa .
          manhajkana u adeegay allaah mizaanka xasanaatkiisa ha u yeelo .
          dad badan oo kamida axzaabta iyo mukhaalifiinta shiikha mayna jecleen aad ayay unecbaayeen waxayna kunaceen xaqaas uu cadeenaayo , dad badan oo shalay necbaay markuu allaah manhajka fahansiiyay walaalo ayay lanoqdeen waxay u arkeen ninkaan wixiisa inuu xaq yahay .
          hoolihiisa :-
          - wuxuu ka mid ahaa macalimiinta machadka almarwazi ee laba dhagax (muqdisho) , wuxuuna dhigijiray maadooyin fara badan , markii loo wareejiyay xaafadii kale ee gubta uu dhisma uu leeyahay uu machadkii helay macalimiintiisa waawayn ey ictimaadaan kutubta fiqiga iyo luqada akhrijiray ayuu ahaa .
          - machadkaas kasukaw shiikhu wuxuu ahaa nin minber muqdisho kuleh dacwadiisana loo yimaado , ilaa wagii danbe misaajidkiisii uu isqabqabsi kadhacay oo misaajidkii lagu qabsaday uu misaajidkii faraha kaqaaday , banaankiisa lafadhiistay geed hoostiisa dacwada ku waday .
          shikh xasan dacwada salafiyada qayb wayn ayuu kaqaatay wuxuu uqabtay allaah haka abaal mariyo .
          nin ganacsi ku mashquulsan muusan ahayn nin dacwadaas mutafariq u ah ayu ahaa , cid kumaal gali jirtay dacwada aniga ma ogi , wuxu ahaa mid allaah ajir uga doonaa .
          xaasaskiisa :-
          shikha wuxuu katagay xaasas dhoora .
          caruurtiisa :-
          caruur badan ayuu allaah siiyay , allaah waxaan waydiisaneenaa inuu uga dhigo kuwa shiikha dacwadiisii horo usii wado .
          mashaikh diisii :-
          waxaa kamida masha ikhtiisa shiikh nuur maxamed qawi oo kunool midawga imaaraatka midooway gar ahaan imarada cajmaan allaah ha ilaaliyo.
          allaah ha unaxariisto shiikh xasan jamatu fardawso hagaliyo walaaliyaal taariikhda waxaan kasooqatay shiikh cukaasha

          تعليق


          • #6
            Tarjumo kooban oo ku saabsan Sh/ maxamed ibnu cabdil wahaab annajdi

            الحمد لله رب العالمين , وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين. أما بعد:
            Walaal halkaan waxaan kuugu soo gudbaa maqaal ku saabsan taariikh noleleedkii shiikh maxamed bin cabdul wahaab -allaah ha unaxariisto - oo kooban
            Magaciisa:-1
            Ashaykh al imaam almujadid shiikhul islaam muxamad ibnu cabdil wahaab ibnu sulaymaan ibnu cali ibnu mushrif attamiimi annajdi.

            Dhala shadiisii: -1
            Shiikha waxaa lagu dhalay tuulada cuyaynah markay taariikhda hijriga aheed 1115 (h) cuyaynah waa tuulo dhacdo waqooyiga riyaad, waana meesha ay cidiisa dagto.
            Wuxuu ku soobarbaaray guri cilmi, aabihii qaadi ayuu baladka ka ahaa, awoowgiina waa shiikh sulaymaan wuxuu ahaa muftiga iyo marjica culumada , adeeradiisna kuligood waa culumo.

            Wax barashadiisii: - 1
            Markuu yaraa wuxuu wax ka bartay aabihiis cabdul wahaab iyo adeeradiis, quraanka ayuu xifdiyay asoona gaarin toban sano waxaana xifdisiiyay aabihii, waxuu ku mashquulay dalabul cilmiga, wuxuu aqristay kutubta tafsiirka iyo axaadiithta , cilmiga ayuu meel ka gaaray asoo yar, maskaxdiisa ayaa cajibiday aabihiis iyo culumadii ladagneed, masaa'isha cilmiga ah ayuu ka niqaashi jiray waxay ka faa'ideesajireen munaaqashadiisa, waxay uqireen fadligiisa , shiikhu qadarkaan cilmiga ah kuma kaaftoomin haba ku jiro khayr maxaa yeelay cilmiga lagama dhergo .

            Rixlooyin kiisii: -1
            Wuxuu urixleestay dalabul cilmi, wuxuu ka tagay ehelkiisii iyo wadankiisii, wuxuu usafray xajka, xajka dabadiisna wuxuu aaday madiina wuxuuna kula kumay culumada masjidu nabawi , gaar ahaan shiikh cabdu laahi ibnu ibraahiim ibnu sayf, shiikhaan wuxuu imaam ku ahaa fiqiga iyo usuushiisa, wuxuuna kasoo jeeday ahlu najdi uu kasii ah ahlu majmacah ee daga sadiir, shiikhaan inankiisa ibraahiim ibnu cabdilaahi waa mu'alifka kitaabka :1
            "العذب الفائض شرح ألفية الفرائض " .
            Saas oo kale wuxuu la kulmay almuxadith ashaykh muxamed xayaat assindi , wuxuuna kaqaatay ijaaso marwiyaadkiisa oo ah kutubta axaadiithta, kadib bilaadkiisii ayuu usoo laabtay, intaa kuma filnaan ee wuxuu aaday bilaadka axsaa ee dhacda bariga bilaadu najdi, axsaa waxaa joogay culumo xanaabilaa iyo shaaficiyo iyo maalikiyo iyo xanafiyo iskugu jirto , culuumta ayuu kasoo qaatay gaar ahaan xanaabilada, waxaa kamida culumada xanaabilada sh/ muxamed ibnu fayruuz iyo sh/ cabdil wahaab ibnu fayruuz wuxuu kasoo qaatay fiqiga.
            Wuxuu kaloo wax ka dalbay shiikh cabdulaahi ibnu cabdi ladiif al axsaai. 1
            Shiikhu intaas kuma kaaftoomin, ee wuxuu aaday ciraaq - gaar ahaan basra - xiligaas waxay aheed med ehel u ah culumada xadiithka iyo fiqiga, culumadeedii ayuu wax kasoo qaatay gaar ahaan shiikh muxamed almajmuuci iyo kuwq kale .
            Hamiga shiikha: - 1
            Shiikhu intaas uu wareegaayay haduu helo kitaab kamida kutubta shiikhul islaam ibnu taymiyah ama kutubta ardaygiisa ibnu qayim qalinkiisa ayuu ku guursa jiray, wuxuu soo guursaday wax badan oo kamida kutubta axsaa taalay iyo basra , marka agtiisa waxaa ku kulmay majmuuco badan oo kutuba.
            Intaa kadib wuxuu hamiyay in uu usafro bilaadu shaam ahlu cilmiga joogo aawadeed gaar ahaan culumada xanaabilada iyo ahlul xadiithka laakiin hasa yeeshee markuu usafraayay ayaa wadada ku adkaatay, wuxuu kala kulmay baahi badan iyo oon , wuxuu ku sigtay in uu wadada ku halaagsamo waan la ogyahay imkaaniyaadka xiligaas iyo masaafada fogaanteeda..

            Dacwada shiikha: -1
            Wuxuu usoo laabtay basra safarkii shaam waa iska dhaafay , kadibna wuxuu usoo naqday najdi markuu isku soo hubeeyay cilmi iyo kutub badan uu soo helay marka loogeeyo kutubtii reerkiisii la taalay iyo ahlu baldkiisii , wuxuu wajahay dacwad iyo islaax iyo faafinta cilmiga waxtarkaleh, mana ku raali noqan in uu ugu aamusa dadka waxa ay ku dhaxjireen, iskaba dhaaf wuxuu doonay in uu cilmigiisa faafiyo , dadkana ugu yeero allaah, wuxuu fiiriyay bulshadii uu lanoolaa wuxuu arkay in ay ku dhaxjiraan shar iyo shirki iyo umuur fara badan, waxaa qaaday qiiro diinta allaah iyo in uu naxariisto muslimiinta, wuxuu arkay in ay u habooneen in uu uga aamuso wadcigaan.
            Culumada reer najdina waxay xooga saari jireen fiqiga, caqiidadana waxay heesteen caqiidada mutakalimiinta oo ah caqiida ashaacirada iyo kuwa kale , wax dadaala masii jirin caqiidada salafka, waa sida ay ahaayeen shaam iyo masar iyo gobolada kale...
            Waxaa yaraa wax caqiidada salafka cinaayo siiyo, qaar badan oo kamida waxaa ka tan badshay khuraafaadkii iyo bidacdii iyo shirkiyaadkii iyo qubuurta in la caabudo, tanna waa dhinaca cilmiga.

            Dhinaca siyaasada: -1
            Hadaan eegno dhinaca siyaasada waxay ahaayeen kuwa kukala tagsan, maleheen dawlad kulmido, tuulo kasto waxay laheed amiir madax banaan.
            Cuyayna waxay laheed xaakim, darciyana waxay laheed xaakim, riyaadna xaakim ayee laheed tuulo kasto oo yar waxay laheed xaakim , tuulooyinka waxaa ka dhexee jirey dagaalo iyo dhac iyo boob dhaxdoodaa iyo toolooyinka kale iyo baadiyaha.
            Marka dhinaca siyaasada bilaadku aad ayuu u kala taksanaa oona udayacnaa ilaa ay kagaartay in dadka baladka kaliya isla dago ay is dagaalaan dhaxdooda.
            Bilaadu najdi waxaa ku badnaa qubuura caabudka iyo in gargaar laga dalbo dadkii dhintay, waxay lahaayeen qubuur saxaabadu ku aasanyihiin sida qabriga zayd ibnu khadaab oo shahiiday dagaalkii koox saxaabada ka mid aheed ay la gashay musaylimatul kadaab, gargaar ayee waydiisajireen, qabriga zayd - allaah haka raali noqdo - waxay kadul dhiseen qubad, meela fogfog ayee ugu imaa jireen, aktoodana caan ayuu ka ahaa.
            Waxee kaloo lahaayeen geedo iyo timir ay caqiideesanaayeen, waana barakeesa jireen, qaarkooda waxay aamin sanaayeen diino baadila sida suufiyada iyo wuxdatul adyaan waxay kubadnaayeen caqaa'idaan riyaad iyo kharaj ; xaaladooda diinta saas ayee aheed culumaduna waa ugu aamusnaayeen, waxa jiray qaar culumaa oo ku dhiira galaayay khuraafaadkaas.

            Umada suu u islaaxiyay: -1
            Markuu arkay shiikhu xaalada muslimiinta wuxuu udhaqaaqay dacwa ilaa laah - cazza wajalla - , wuxuu guda galay in uu dadka ugu yeero tawxiidka uuna inkiro shirkiyaadka iyo khuraafaadka uuna taqriirinaayo manhajka salafkii wanaagsanaa, agtiisa arday badan ayaa ku soo aruurtay oo kasoo kala jeedo darciyah iyo cuyaynah iyo cida kale uu allaah khayr ladoonay.
            Kadib wuxuu la xariiray amiirka cuyeynah wuxuuna u bandhigay dacwada amiirku waa ka aqbalay wuxuuna u balan qaaday in uu ugargaarayo markii ugu horaysay wuxuu dumiyay qubadii zayd ibnul khadaab - allaah haka raali naqdo - , amiirkii ayaa laga dalbay duminteeda maxaa yeelay suurta gal maahan in uu dumiyo illaa qof suldo leh mooyee , ammaa qof kaliya makaraayo ,amiirka waa ka ijaabay.
            Shiikha waxaa utimid haweenay ictiraafsan in ay zineesatay waxay ka dalabtay in uu xadka ku oofiyo, shiikhu waa celshay xataa ay ku soo celcelisay codsiga sida ay sameesay haweeneedii gaamidayada aheed - allaah haka raali naqdo - xiligii nabiga, xadka ayuu ku fuliyay oo ah rajmi.
            markay gaartay Duminta qubada iyo rajminta haweeneeda amiirka ixsaa warqad ayuu usoo diray amiirka cuyayna uu kuleeyahay: wadaadkaan cayri amaa musaacadaadka ayaan kaa jaraa aan kuusoodiraayay.
            Amiirku shiikha ayuu uyimid arinkii ayuu usoo bandhigay, wuxuu yiri: aniga makaraayo in aan iska caabiyo kuwaas , shiikhu waa dajiyay waxuu ubalan qaaday khayr iyo in uu allaah tala saarto, iyo in uu rizqigu gacanta allaah ku jiro, tanna ay tahay caqiidada tawxiidka, cidii u istaagtana allaah ayaa u kaalmeenaayo una gargaaraayo.
            Hasa yeeshee amiirka wuxuu ku adkeestay in uu shiikhu baladkiisa kabaxo, shiikhu cuyayna ayuu ka baxay xilga qayluulada, wuxuu aaday darciyah, waxaana ku sugnaa arday ardaydiisa akhyaarta ah ka mid ahaa oo lagu maga caabijiray ibnu suwaylim, shiikhu markuu soo baxaayay wax uu watay majiri illaa marwaxad gacameed uu wajigiisa ku haweesaayay marka uu socaayo mooyee wuxuuna dhahaayay :
            " ومن يتق الله يجعل له مخرجا. ويرزقه من حيث لا يحتسب " [ الطلاق: 2 - 3 ]
            Aayadaaan ayuu ku celcelaayay intaa uu socday.
            Markuu shiikhu soo gaaray ardaygiisa darciyah ku sugnaay ardaygii cabsi ayaa gashay iyo in uu ka walwalay shiikha ; maxaa yeelay nafsadiisa ayuu ugu baqay iyo tan sheekha dad baladka; dadkuna shiikha ayee ka digtoonaayeen, shiikhu waa dajiyay wuxuu ku yiri: marna qalbigaad yee wax ku soo dhacin allaahna tala saaro asiga ayaa u gargaaro cidii u gargaarto.

            Haweenay ayaa sabab unaqatay istaaga dacwad iyo dawlad :-1
            Ayagoo saas waxaa ogaatay xaaska amiirka darciyah, waxayna aheed saalixad, waxay u ban dhigtay xaskeedii amiir maxamed ibnu sacuud in uu ugargaaro shiikhaan u imaaday, waana nimco uu allaah u keenay, uuna udadaalo sida uu ugu faa'ideesa lahaa, waxayna galisay daganaan iyo jaceelka dacwada iyo jaceelka caalimkaan, wuxuu yiri: ha ii imaado , waxay ku tiri xaaskiisu: adiga aad , maxaa yeelay hadaa tiraahdo ha ii imaado , waxaa laga yaabaa in ay dadku dhahaan: wuxuu ugu yeeraa si uu ucaburiyo laakiin hadaad aado sharaf ayee nii naqee adiga iyo asigaba.
            Wuxuu aaday amiirka guriga ardayga, wuuna salaamay wuxuuna waydiiyay imaatinkiisa... Shiikhu waa u sharaxyay, wuxuu u cadeeyay in uuna wadin illaa dacwadii rususha - salawaatu llaahi wasalaamu calayhim - mooyee , oo ah in loogu yeero dadka kalmada tawxiidka, oo ah
            " لا إله إلا الله "
            Wuxuuna u sharxay macnaheeda...1
            Amiirku wuxuu yiri: waxaan ku bishaareesaa nasri iyo ta'ayiid.
            Shiikhu wuxuu ku yiri : ku bishaareeso sharaf iyo tamkiin; maxaa yeelay kalmadaan
            لا إله إلا الله
            Cidii u istaagto allaah dhulka ayuu makaniyaa. 1
            Amiirka ayaa ku dhahay: laakiin waxaan kugu shardinaa shardi.
            Wuxuu yiri: muxuu yahay? 1
            Wuxuu yiri: inaad igaaga tagtid waxaan dadka kaqaato.
            Shiikhu wuxuu yiri: allaah wuxuu mudanyahay in uu kaa qani yeelo kuuna furo abwaabta arzaaqda.
            Saas ayee ku kala takeen, shiikhana dacwada ayuu u istaagay, imirkana wuxuu u istaagay in uu u gargaaro, ardaydii ayaa ku soo aruuray magaalada darciyah shiikhuna saldhig ayuu ka dhigtay asiga ayaa imaamka salaada naqday iyo muftiga iyo qaadiga darciyah , halkaas ayaa ka sameesmatay imaaradii tawxiidka , shiikhuna rasaa'il ayuu udiray dadka dago buldaanta kale iyo tuulooyinka kale uu ugu yeeraayo allaah iyo in ay soo galaan caqiidada tawxiidka, iyo in ay ka tagaan bidacda iyo khuraafaadka, dadka waxaa ka mida kuwa ijaabay oo sooraacay dacwada jihaad la'aan iyo dagaal la'aan, dadka waxaa ka mida qaar diiday oo ka madax adeegay waxaana la dagaalamay ciidanka tawxiidka uu hogaaminaayay amiir maxamed ibnu sacuud oo la tashanaayay shiikh maxamed ibnu cabdul wahaab...
            Dacwaduna waxay ku faaftay ilaa laga gaaro bilaadu najdi buldaantii kuwareegsanaana waa isdhiibeen, uuku jiro amiirkii cuyayna kaas oo lahaa mawqifkii uu shiikhu kusoo galay wilaayada maxamed ibnu sacuud .
            magaalad Riyaad dagaal xoog badan ayee ku gashay ilaa ay ku fiday magaalada kharji iyo waxa kharji ka danbeeyo ilaa laga gaaro waqooyiga iyo koofurta waxay camimtay xuduudka shaam dhan waqooyiga , dhan kalena waxay gaartay xuduudka yaman dhanka koofureed , iyo laga bilaawo bada cas ilaa laga gaaro gacanka carbeed barigiisa waxay hoos joogtay maamulka dirciyah baadiyahooda iyo magaaladooda.
            Allaah reer darciya wuxuu ugu deeeqey khayr iyo arzaaq iyo gina nimo iyo dhaqaalo badan , waxaa ka dilaacay suuqaq ganacsi, magaaladaan waxay la iftiintay cilmi iyo awood ka ahaatay barakada dacwa salafiyah taas oo ah dacwadii rususha calayhimu salaam.

            Mu'alafaadkiisa: - 1
            Shiikhu mu'alafaad aan aan halkaan ku sookoobi karin ayuu leeyahay hadaan wax katilmaano: 1
            1 - كتاب التوحيد.
            2 - كشف الشبهات.
            3 - كتاب الكبائر.
            4 - ثلاثة الأصول.
            5 - مختصر الإنصاف والشرح الكبير.
            6 - مختصر زاد المعاد.
            7 - وله فتاوى ورسائل جمعت باسم مجموعة مؤلفات الإمام محمد بن عبد الوهاب تحت إشراف جامعة الإمام محمد بن سعود.
            Geerida shiikha: 1
            Waxaa la oofsaday - allaah ha u naxariisto - sanadku hijrigu markuu ahaa 1206 (h) allaah ha u naxariisto naxariis balaaran , allaah haka abaal marsho abaal marin tan u khayr badan wuxuu islaamka iyo muslimiinta uqabtay,
            إنه سميع مجيب والحمد لله رب العالمين وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
            Waxaad ka fiiri karta turjumadaan
            شرح كشف الشبهات للإمام محمد بن عبد الوهاب تأليف فضيلة الشيخ صالح بن فوزان بن عبد الله الفوزان. دار عمر الخطاب. جمهورية مصر العربية.
            Wixii talaa ama mulaaxadaa noogu soo hagaaji cinwaankaan : 1
            [email protected]
            التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 01-09-2014, 08:59 AM.

            تعليق


            • #7
              turjumo kooban oo ku saabsan shiikh cabdi raxmaan assacdi

              الحمد لله رب العالمين , وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين. أما بعد:
              Walaal halkaan waxaan kuugu soo gudbaa turjumo kooban oo ku saabsan shiikh cabdi raxmaan assacdi allaah ha u naxariisto.
              waa shiikh aad u cilmi badnaa wuxuuna ahaa faqiih iyo usuuli iyo mufasir iyo muxaqiq, shiikhu akhlaaq aad u wanaagsan ayuu lahaa iyo manaaqib xamiidaa shiikh cabdi raxmaan assacdi attamiimi.
              Turjumadaan waxay koobsee waxaan soosocdo: 1

              i1aad: Magaciisa
              Shiikh abuu cabdilaahi cabdi raxmaan ibnu naasir ibnu cabdilaahi ibnu naasir assacdi oo ka dhashay reer sacdi oo ka mida qabiilada tamiim.
              i
              [انظر: روضة الناظرين ( 1 / 220 ) , وعلماء النجد ( 2 / 422 ) .

              i2 aad: Dhalashadiisii:
              i
              Wuxuu ku dhashay deegaanka cunayza oo ka tirsan qasiim, taariikhduna waxay aheed 12 / muxaram / 1307 (h) , hooyadii ayaa geeryootay asoo afar jira , aabihiina wuxuu geeryooday asoo todobo jira, waxaa kafaala qaaday xaaskii aabihii ka geeryooday allaah ha u naxariisto ilaa uu dhalin yaro naqday kadib wuxuu u wareegay gu
              riga walaalkiisa wayn oo u istaagay ricaayadiisa, wuxuu ku soo bar baaray barbaaritaan wanaagsan, waxaa lagu yaqaanay yaraantiisii maskax badni iyo jaceel badan uu culuumta u haayay .
              i
              Quraanka ayuu aqriyay kana xifdiyay dusha , waana sugyahay asoo jiro 11 sano.
              i
              [ ينظر : ترجمة الشيخ في ذيل المختارات الجلية ص: 410 ] .

              i3 aad: Cilmi raadintiisii iyo Mashaa'ikhdiisii: i
              Wuxuu ku mashquulay in uu wax ka barto culumadii deegaankiisii joogtay, iyo culumadii deegaankiisii timid, aad ayuu udadaalay ilaa uu ka gaaray cilmi kasto in ku filan , markuu gaaray 23 sano wuxuu ufadhiistay wax dhigid asigana wuxuu dhiga jiray, waqtigiisa dhan saas ayuu ku dhameestay.
              [ ينظر : روضة الناظرين ( 1 / 221 )] .

              Wuxuu cilmiga ka qaatay :
              i
              i1 - shiikh ibraahim ibnu xamad ibnu jaasir oo lagu oofsaday kuwayt sanadku markuu ahaa ( 1338 h ) .i
              i2 - Shiikh maxamad ibnu cabdil kariim ashabil , wuxuu ka dhigtay fiqiga iyo culuumta carabiga iyo kuwa kale, waxaa lagu oofsaday cunayza - allaah ha u naxariisto - sanadku markuu ahaa 1343 ( h) .i
              i3 - shiikh saalax ibnu cuthmaan alqaadi wuxuu ka dhigtay tawxiidka iyo tafsiirka, iyo fiqiga iyo usuushiisa iyo furuucdiisa, iyo culuumta carabiga, asiga ayaa ubadan cid uu wax ka dhigtay uuna laazimay mulaazamo dhameestiran waxaa la oofsaday - allaah ha u naxariisto - sanadku markuu ahaa: 1351 (h) .i
              i4 - shiikh cabdallah ibnu caa'id alxarbi. Waxaa la oofsaday ( 1322 h ) .i
              i5 - shiikh sacbi ibnu cabdilaahi attuweejiri. Waxaa la oofsaday ( 1253 h ) .i
              i6 - shiikh cali ibnu muxamed assinaani oo la oofsaday (1253 h ) .i
              i7 - shiikh cali alnaasir abuu waadaay, wuxuu ka dhigtay xadiithka, wuxuu kaloo ka qaatay umahaatu sita iyo qaar kalw, ijaaso ayuuna usiiyay, waxaa la oofsaday ( 1361 h ) .i
              i8 - shiikh maxamed ibnu shiikh cabdil caziiz almuxamed almaanic oo la oofsaday sanadku markuu ahaa: ( 1385 h ) .i
              i9 - shiikh muxamed al amiin maxamuud ashinqiidi oo dagi jiray xijaaz kadibna u soo wareegsaday zubayr markuu soo aaday cunayza uu u fadhiistay wax dhigid shiikha ayaa ka dhigtay tafsiirka iyo xadiithka iyo musdalaxul xadiithka, iyo culuumta carabiga sida naxwada iyo carabiga iyo waxa la mida, waxaa la oofsaday ( 1351 h ) .i
              i10 - muxamed ibnu cabdi llaah ibnu sulaym. Waxaa la oofsaday ( 1323 h ) .i
              i11 - ibraahim ibnu saalax alqaxdaani oo la oofsaday ( 1343 h ) .i
              [ أنظر: علماء نجد ( 1 / 1002 ) , وروضة الناظرين ( 1 / 41 ) ] .

              i4 aad: Makaanadiisa cilmiga: i
              Shiikhu aqoon dhameestiran ayuu u lahaa culuumta shareecada, gaar ahaan fiqiga iyo usuushiisa iyo furuucdiisa.
              i
              Kutubta uu shiikhu aad ugu faa'ideestay uuna ku intifaacay waxay ahaayeen kutubta shiikhul islaam ibnu taymiyah iyo ardaygiisii ibnu qayim, sababtooda khayr badan ayaa ugu xasilay cilmi tawxiidka, iyo tafsiirka iyo fiqiga iyo culuumta kale, sababta kutubta labada shiikh aan soo sheegnay ayuu rajixijiray waxa uu daliilka sharciga ah rajaxo.
              i

              i5 aad: Ardaydiisii: i
              Ardayda shiikh aad ayee u badnaayeen qaar kamida ayaan halkaan ku sheegeenaa:
              i
              1 - الشيخ سليمان بن إبراهيم البسام ت ( 1377 ه ) .
              2 - الشيخ سليمان بن محمد الشبل ت ( 1386 ه ) .
              3 - الشيخ صالح بن عبد الله الزغيبي ت ( 1372 ه ) .
              4 - الشيخ عبد الله بن عبد العزيز المطوع ت ( 1354 ه ) .
              5 - الشيخ محمد بن صالح بن عثيمين.
              6 - الشيخ عبد الله بن عبد العزيز بن عقيل.
              7 - الشيخ علي بن حمد الصالحي.
              8 - الشيخ عبد الله بن عبد الرحمن صالح البسام.
              9 - الشيخ عبد العزيز بن محمد السلمان.
              10 - علي بن زامل السليم ت ( 1418 ه ) .
              11 - محمد بن صالح الخزيم ت ( 1394 ه ) .
              12 - محمد بن عبد العزيز المطوع ت ( 1387 ه ) .

              i6 aad: Mu'alafaadkiisa: i
              Shiikhu - allaah ha u naxariisto - wuxuu alifay kutub iyo rasaa'il iyo fatawooyin badan, waxaa ka mida mu'alafaadkiisa:
              i
              1 - تفسير القرآن الكريم المسمى " تيسير الكريم المنان في تفسير القرآن " في خمس مجلدات, وقد أكمل تأليفه عام ( 1344 ه ) مطبوع.
              2 - "حاشية على الفقه " استدكارا على جميع الكتب المستعملة في مدهب الحنبلي مطبوع.
              3 - " إرشاد أولي البصائر والألباب لمعرفة الفقه بأقرب الطرق ويسر الأسباب " رتبة على السؤال والجواب, طبع مرار , وقد أعيد طبعه أيضا تحت عنوان " الإرشاد إلى معرفة الأحكام " .
              4 - ا لدرة المختصرة في محاسن الإسلام " مطبوع.
              5 - " الخطب العصرية القيمة " مطبوع.
              6 - القواعد الحسان لتفسير القرآن " مطبوع.
              7 - " تنزيه الدين وحملته ورجاله, مما افتراه القصيمي في أغلاله " .
              8 - " الحق الواضح المبين , في شرح توحيد الأنبياء والمرسلين " مطبوع.
              9 - " توضيح الكافية الشافية " وهو كالشرح لنونية الشيخ ابن القيم مطبوع.
              10 - وجوب التعاون بين المسلمين , وموضوع الجهاد الديني.
              11 - " القول السديد في مقاصد التوحيد " مطبوع.
              12 - " مختصر في أصول الفقه " مطبوع.
              13 - " تيسير اللطيف المنان في خلاصة تفسير القرآن " مطبوع.
              14 - " الرياض الناضرة "
              Iyo kuwa kale.
              i
              Fawaa'id fara badan iyo fataawooyin badan oo ah su'aalo badan oo uga imaanaayay baladkiisa iyo qayrkiis uu ugu jawaabaayay , kutub badan uu aqris ku maray tacliiqaad ayuu saaray.
              Wax qoriduna aad ayee ugu sahlaneed, ilaa uu ka qoray fataawooyinka wax badan, waxyaalaha uu qoray waxaa ka mida
              نطم ابن عبد القوي المشهور ;
              Wuxuu doonay in uu sharxo sharax madax banaan wuxuu arkay in uu ku adagyahay , kitaabkaan iyo kitaabka insaafka ayuu khadkiisa ku kulmiyay sida uu usahlanaado fahankiisa wuxuu ku soo baxay sida sharax oo kale.

              i7 aad : Geeridiisii: i
              Wuxuu ku dhintay cumri gaaraayo 79 sano uu ugu adeegaayay cilmiga wuxuu geryooday fajarka maalinta khamiista 22 / jamadul aakhir / 1376 (h) xanuun kadib ayuu geeryooday oo haayay shan sano , waxaa lagu aasay magaalada cuneeza oo ka tirsan deegaanka qasiim allaah ha u naxariisto naxariis balaaran , salaada duhur kadib ayaa masjidu jaamica wayn salaatu janaazada lagu dukaday, dad badan ayaa ku dukaday ilaa uu ka buuxsamay misaajidka iyo wadooyinka ku wareegsan . .
              waxaad turjumadaan ugu laaba kartaa Hor dhaca kitaabka:
              i
              القواعد الأصول الجامعة والفروق والتقاسيم البديعة النافعة. / تأليف / عبد الرحمن بن ناصر السعدي . / اعتنى بتحقيقه / د. خالد بن علي بن محمد المشيقح. دار ابن الجوزي.

              Tarjumada shiikha waxaad ugu naqa kartaa kutubtaan:
              i
              1 - روضة الناظرين عن مآثر علماء نجد وحوادث السنين / محمد بن عثمان القاضي.
              2 - علماء النجد خلال ستة قرون / للشيخ عبد الله بن عبد الرحمن البسام.
              3 - مشاهير علماء النجد وغيرهم / للشيخ عبد الرحمن بن عبد اللطيف آل الشيخ.
              4 - علماء آل سليم وتلامذتهم / صالح بن سليمان العمري.
              5 - ترجمة في آخر كتاب المختارات الجلية لابن سعدي / طبعة المدني بقلم الشيخ سليمان بن عبد الكريم السناني.
              6 - مقدمة كتاب الرياض الناضرة لابن سعدي / بقلم أحد تلاميد الشيخ.
              7 - سيرة الشيخ عبد الرحمن بن سعدي / جمع وتقديم محمد حامد الفقي.
              8 - الأعلام لخير الدين الزركلي.
              9 - معجم المؤلفين لعمر رضا كحالة.
              10 - مجلة الجامعة الإسلامية : ص 11 , ع4 , ص 205 , مقال للدكتور عبد الرحمن العدوي.
              11 - مجلة العرب عدد ربيع الأول 1393 ه, ص 690 بعنوان معجم المطبوعات العربية , تحدث فيه عن مؤلفات الشيخ ابن سعدي .
              12 - مجلة الحج الحجازية س 11 ع 1 سنة 1376 ه ص 125 .
              13 - مقدمة كتاب شرح القصيدة التائية / بقلم عبد الغني عبد الخالق.
              وللشيخ محمد بن سليمان البسام ( المولود 1333 ه ) وهو من أخص تلاميد الشيخ ترجمة للشيخ ابن سعدي وذلك في مقدمة تحقيقه لكتاب " التعليق وكشف النقاب عن نظم قواعد الإعراب " للسعدي.

              Waxaan allaah waydiisaan in uu islaamka iyo muslimiinta ku anfaco.
              i

              Qore:
              i
              Abu Mucaawiya Maxamed Daahi
              i 20 / shawaal / 1435 (h) maalin sabdiya.i
              التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 01-09-2014, 09:16 AM.

              تعليق


              • #8
                جزاك الله خيراً يا أخانا محمد على هذه التراجم القيمة النافعة ,التي نرجو الله أن ينفع الإسلام والمسلمين.
                التعديل الأخير تم بواسطة أحمد بن سعيد الجابري اليافعي; الساعة 09-12-2014, 01:20 PM.

                تعليق


                • #9
                  بسم الله الرحمن الرحيم
                  Halkan kadhagayso qisada kusaabsan sheekh ibnu baazi
                  ilaahay ha unaxariistee oo ushafaaco qaadaya shan ducaadii soomaaliya oo dil lagu xukumay xiligii madaxwaynihii soomaaliya Siyaad bare
                  DHAGAYSO
                  الملفات المرفقة
                  التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 09-12-2014, 01:29 PM.

                  تعليق

                  يعمل...
                  X