Bixitaanka gabadha iyadoo cadar marsan
S: miyay u banaantahay gabadha haday doonto in ay tagto Madarsada ama dhakhtarka ama in ay booqato qaraabadeeda iyo jaarkeeda in ay is cadarayso oo ay baxdo?1
J: Waxa uu ku jawaabay sheekh Ibnu Baas - Ilaahay ha unaxariistee -: Waxa u banaan - gabadha - in ay is cadariso hadii ay tagayso kulan dumar, oo aanay sii marayn wado ay joogaan raggi, laakiinse in ay ubaxdo suuqa iyadoo cadaraysan ma banaana, Xadiiska Nabiga - sallallahu calayhi wasalam- daraadii : "Gabadha isa soo marisa udug, aynay nala soo xaadirin Cishaa'iga"{waxa soo wariyay Imaamu Axmed, Imaamu Muslim, Imaamu Abuu Daa'uud iyo Imaamu Nasaa'i}, waxa kale oo arintan ku soo arooray Axaadiis kale, maxaa yeelay inay u baxdo iyadoo cadaraysan wado ay Ragg joogaan iyo meel ay ku kulmaan sida Masaajidada waa asbaabta kaynaysa in lagu fidnoobo iyada, sidoo kale waxa ku waajib ah Gabadha is asturid iyo in ay ka feejignaato is qurxin; hadalka Ilaahay - jalla wa calaa - :mmk, is qurxinta waxa kamida in ay muujiso meelaha lagu fitnoobayo iyo meelaha ay u qurxoon tahay, sida Wajiga, Madaxa iyo wixii la mid ah.1
waxa aad ka eegi kartaa {Atbaruj wa khadaruhu bogga (60)}.1S: miyay u banaantahay gabadha haday doonto in ay tagto Madarsada ama dhakhtarka ama in ay booqato qaraabadeeda iyo jaarkeeda in ay is cadarayso oo ay baxdo?1
J: Waxa uu ku jawaabay sheekh Ibnu Baas - Ilaahay ha unaxariistee -: Waxa u banaan - gabadha - in ay is cadariso hadii ay tagayso kulan dumar, oo aanay sii marayn wado ay joogaan raggi, laakiinse in ay ubaxdo suuqa iyadoo cadaraysan ma banaana, Xadiiska Nabiga - sallallahu calayhi wasalam- daraadii : "Gabadha isa soo marisa udug, aynay nala soo xaadirin Cishaa'iga"{waxa soo wariyay Imaamu Axmed, Imaamu Muslim, Imaamu Abuu Daa'uud iyo Imaamu Nasaa'i}, waxa kale oo arintan ku soo arooray Axaadiis kale, maxaa yeelay inay u baxdo iyadoo cadaraysan wado ay Ragg joogaan iyo meel ay ku kulmaan sida Masaajidada waa asbaabta kaynaysa in lagu fidnoobo iyada, sidoo kale waxa ku waajib ah Gabadha is asturid iyo in ay ka feejignaato is qurxin; hadalka Ilaahay - jalla wa calaa - :mmk, is qurxinta waxa kamida in ay muujiso meelaha lagu fitnoobayo iyo meelaha ay u qurxoon tahay, sida Wajiga, Madaxa iyo wixii la mid ah.1
Tur: Abuu Sulaym Cabdillaah Al Xajari - Ilaahay ha waafajiyo wixii Wanaagsan -1