• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

    بسم الله الرحمن الرحيم
    Maalintii Khamiistii ee 19 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 24 - 10 - 2013 wali waa uu socodaa Go'doonkii iyo Duqayntii Xuutiyiintu ay duqaynayeen Mandiqada Damaaj iyo Dadkeeda aan waxba galabsan, Shalayna
    (Arbacadii)
    oo dhan illaa habeenkii waxa socday Garaaca Hoobiyayaasha, Hoobiyayaashana waxa barbar socday Madaafiicda P10, Xabadaha kuwooga dhexe iyo kuwooga Fudud iyo Shiish, Laakiin iyadoo waxaasi jiraan oo Dumarkii iyo Caruurtiiba ay naxeen, Guryaha qaarna ay dhibi soo gaadhay hadana Ilaahay mahadii cidi wax kumay noqon.1
    Sacaadu markay cagocagaynaysay 10:30 kiina waxay Xuutiyiintii isku dayeen iney toogtaan isagoo Gurigiisa ka soo baxaya Afhayeenka Damaaj Suruur al Waadici, laakiin Ilaahay waa uu ka badbaadiye.1
    Sacaadu markay ahayd 11:00 kiina waxa Damaaj soo galay Gudi dhexdhexaadin ah oo uu soo magacaabay Madaxweynuhu, waxaana wehelinaayey Gudi Ciidamo ah iyo Laan qayrta cas, waxaanay la kulmeen Sheekh Yaxye iyo Waxgaradka Mandiqada, waxaanay yidhaahdeen waxaanu rabnaa inaanu Mandiqada ku baahino Ciidamo, Sheekh Yaxyana waxa uu ugu jawaabay Anagu waxaanu ku hoos jirnaa Maamuulka Dawlada, waanan sugaynay ilaa Dagaaladii hore iney Dawladu nasoo kala dhex gasho, iyo inaanay Xuutiyiintu waxa shuqula ku lahayn Buuraha Qaabiilka Al Waadica ay leeyihiin, Laan qayrtii casaydna waxay soo galisay Daawooyin,waxaanay Dhaawacii uu qaadeen Caasimada Sancaa, sidoo kale waxay soo faaqeen Maydad ay lahayeen Xuutiyiintu ka dib markii la aasay, Xaaladuna imika wey degen tahay in kastoo uu jiro Shiish, Wadooyinkuna wali wey xidhan yihiin.1


    التعديل الأخير تم بواسطة أبوحذيفة أحمد بن محمود السعدي; الساعة 19-12-2013, 11:31 AM.
يعمل...
X