• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

    بسم الله الرحمن الرحيم
    Maalintii Salaasadii ee 17 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 22 - 10 - 2013 wali wuu socodaa Go'doonkii iyo Duqayntii Xuutiyiintu ay duqaynayeen Mandiqada Damaaj iyo Dadkeeda aan hubka haysanba,Shalayna (Isniintii) waxay ahayd Maalin iska yara degen gaara ahaan Aroorimadii, maxaa-yeelay inkastoo ay socodeen Shiishidii iyo Xabadayntii, hadana may jirin Madaafiicdii culusaydi, ilaa ay dadkii moodeen inay dhacayso Xabad joojin,waxaana Maskaxdooda ka baxday in Xabad joojintu ay tahay in la wada joojiyo Hubka oo dhan ee maha oo kaliya in Hubka culus la joojiyo,Cadceedu markii ay sii dhacaysayna waxay bilaabeen Xutiyiintii inay Hoobiyayaal iyo Madaafiic la dhacaan Buurta Al Baraaqa iyo Tuulada Al Waddan, Dhibtana waxa ka dhashay inay dumaan 2 Guri,Ilaahay mahadiina Dadkii ku jiray wax kumay noqon, Garaacan Madaafiicda iyo Hoobiyaashana waxa barbar socday Shiish, Shiishkanina wuxuu sababay in Lugta Midig laga Toogto Arday la yidhaahdo Bakar ibnu Maxamed ibnu Axmed Adaalici-Ilaahay ha Shaafiyee-.1
    Intaa ka dib gaara ahaan
    Sagaalkii Habeenimo waxay Xuutiyiintii Madaafiicda iyo Hoobiyayaasha P10 la dhacaan Ardaydii, Dhibtana waxa ka dhashay inuu dhawacmo Ilmo yar oo la yidhaahdo Sacad ibnu Nucmaan Al Qusayni,oo Finiinkii Madaafiicda ayaa ka soo gadhay Madaxa- Ilaahay ha caafiyee-.1
    Xallay oo dhana uu socday Shiishku, mar marna Hoobiyayaal ayey soo tuurayeen, laakiin Ilaahay Fadaligii cidi wax kumay noqon intaa aynu soo xusnay mooyaane.1

يعمل...
X