• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

    بسم الله الرحمن الرحيم
    Maalintii Salaasada ee 10 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 15 - 10 - 2013 Waa Ciidul Adxaa, mana jiro Ilmo yar oo loo sii daynayo Ciidda, Gabadh aamin ah oo uu baxaysa Musallaha Ciidda iyo Qof weyn oo awoodaya inuu Udxiyeystaba, iyadoo waxaas jiraan hadana Damaaj waxay la dayaantay Dikri iyo Tahliil, Dhibaatana waxa sababay socodka ay wali socota Duqayntii Xuutiyiintu ay duqaynayeen Mandiqada Damaaj iyo Dadkeeda aan hubka haysanba,Shalayna (Isniintii) waxay ahayd maalin Damaaj lala dhacayey Hubka kiisa kala duwan, haday noqoto Shiish, Madaafiic, Xabadaha kuwa dhexe iyo kuwa fududba iyo Madafaca P10, iyadoo waxaasi jireen hadana waxa dhintay oo ay xabadi madaxa kaga dhacday Ilmo yar oo la odhan jiray Hamad ibnu Maxamed ibnu Mascuud- Ilaahay ha u naxariistee- oo kaliya,waxaanay Xabadu ku dhacday isagoo daba orodaya Dibi ay lahaayeen.1
    Habeenkii markii uu soo galayna Afar ka mid ah Xuutiyiinta ayaa waxay ka soo dhuumaalaysteen Jihada Aalu Mazruuc iyagoo u soo kiciitimay dhanka Dhufaysyada Walaalaha, Ilaahay Mahadiina waa la dilay Afartaas, Xuutiyiintiina may awoodin inay la baxaan Maydadkoodii, ka dibna waxay
    walaaluhu Hubkii ka furteen Maydadkii mid ka mid ah, intaa ka dibna waxay Xuutiyiintii isku dayeen inay ka cabsiyaan walaalaha oo waxay ku soo tureen Baazukayaal, madafaca P10 iyo Xabado, Ilaahay mahadiina Cidi wax kumay noqon.1
    Sideedii (8) aroorimana waxa dhintay Cabdi Raxmaan ibnu Cali ibnu Jaabur Al Cumari Al Xajuuri (Abu Shaakir Al Xajuuri)- Ilaahay ha u naxaariistee-, waxaanu
    Koomo uu ku jiray illaa Arbacadii oo Xabada ayaa Madaxa ka gashay, Xuutiyiintuna may ogolaan in la soo daaweeyo oo Dhakhtarka la geeyo, sidoo kale wey ka cudurdaaratay inay ka qaado Gudidii Khiyaamolayda ahayd iyana.1
    Saacadu marka ahaydna 1:30 waxay bilaabeen Xuutiyiintii inay weeraraan Damaaj oo ay la dhacaan Madfaca P10 iyo Hoobiyayaal, waxaana ka dhashay Dhibaatana 3 dhawaaca iyo Dhimasho kaliya, dhamaana waxay ahaayeen dadka Degaanka-Ilaahay ha caafiyo kooga dhawaca ah, ha u naxariistana kooga dhintay-.1

    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 03-12-2013, 05:13 PM.
يعمل...
X