• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay uu u naxariisanayo Adoomadiisa

    بسم الله الرحمن الرحيم
    Maalintii Axada ee 8 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 13 - 10 - 2013 waa maalintii Tarwiyada ee ay Xujaajtu tagayeen Mina,
    Walina wey socotaa Duqayntii Xuutiyiintu ay duqaynayeen Mandiqada Damaaj iyo Dadkeeda aan hubka haysanba, shalayna waxa ay ahayd maalin ardayda iyo dadka deegaanka aad ugu adkayd farabadnida ay farabadnayd madaaficda ay xuutiyiinta ay ku soo ridayeen awageed gaar ahaan macdfaca cabirkiisu yahay 120 mlm iyo madfaca P10, sidoo kale xuutiyuuntu waxay dhigeen Qoriga(23) buurta Al jamiima gadaasheeda oo ay ku garacayeen guryaha Ardayda iyo kuwa ay dadka deegaanku leeyihiin ee ku yaalla goobta la yidhaahdo Waddan, waxaana ka dhashay garacaas madaaficda in ay dhawaacmeen 3 Arday
    Habeenku markii uu soo galayna waxay sii wadeen Xuutiyiintu Shiishkii, garaacii madaaficda iyo xabadayntii ay ku wadeen Mandiqada, waxa intaa raacsanaa in ay soo uruuriyeen kuwii raac sanaa si ay u weeraraan Mandaqadan,dilaana cidda joogta
    Marka ay saacadu kowdii hebeenimo ku dhawaydna waxay moodeen Xuutiyiintii joogtay Nuquuc in la soo weeraray markaasay waxay qarxiyeen Miinooyin ay aaseen iyagu
    Intaa ka dibna waxay bilaabeen inay Madfaca R B G iyo Xabadaha noocooga dhexe la dhacaan Madarasada iyo Rugta caafimaadka, hadana garaacaas waxa ku xigay inay Madaafiic ay si aan u meel dayid ah oo daran ku soo turaan Ardayda, Ilaahay mahadiina cidi waxba kumay noqon Madaafiicdaa, Xuutiyiintiina waxay la laabteen Guul daro, Duli iyo ceeb oo ilaahaybaa Shirqoolkoodii fashiliyey.1

يعمل...
X