• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay ee uu u naxariisanayo Adoomadiisa

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • Go'doonka Damaaj iyo Naxariista Ilaahay ee uu u naxariisanayo Adoomadiisa

    بسم الله الرحمن الرحيم
    Maalintii jimce ee 6 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 11 - 10 - 2013 waxay ahayd maalintii 4aad ee go'doonka Damaaj,weyna socotay duqayntii xuutiyiintu ay duqaynayeen mandiqada Damaaj iyagoo u isticmaalaya -duqaynta- hubka kiisa culus, dhexe, iyo kiisa fududba, shalay Khaamiistiina waxa yimid Damaaj Guddi Ilaalin oo uu hogaaminaayo Shadaab al Quuli, ka dib Duhurkii ilaa Cadceed dhicii waxa dhacday Xabad joojin aan lugo adag ku taagnayn, ka dib Eedaankii Maqribku isagoo socda waxay Xuutiyiintii Hoobiyaha 10p la dhaceen walaalihii joogay Buurta Al Qasaba, ka dibna waxay mar mar la dhacayeen Rasaasooyin iyo Basuukayaal Walaalihii joogay Tuulada Waddan iyo Buurta Al Baraqa, ka dibna waxay Xuutiyiintii ka hor Waabarigii maalintan Jimce Weerar culus oo 1 saac in ku dhow socday ku soo qaadeen Walaalihii joogay Tuulada Waddan iyo Madarasada, laakiin Ilaahay mahadii siday ahayd caadadoodu markay la dagaalamayaan Ahlu Sunnaha wey ku fashilmeen Weerarkaas, ka dibna markii ay ku fashilmeen Weerarkaas waxay bilaabeen inay Hoobiyayaal la dhacaan Gobihii Ardayda
    , Hoobiyayaashana sababtooda waxa ku dhintay 3 Arday oo kala ah:1
    Cabdilaahi Ibnu Shariif Al Maxwiiti
    Maxamed Ibnu Saalax Al Maxwiiti
    Jamaal al Maqribi

    Saddexdan Arday waxa iyagu ku dhinteen Buurta Al Baraqa, Arday kale oo isana la odhan jiray Saalax ATacizi-na waxa uu ku dhintay Tuulada Waddan- Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood-1

يعمل...
X