Aniga oo ku camal falaya Aayada uu Ilaahay leeyahay:-1
{وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ} [الضحى : 11]
Waxa nicamka Ilaahay ka mid ah inay nasoo Boqodeen saddex walaal oo ka yimid magaalada Boorama oo kala ah:1
Abu Sufyaan Asaylaci,Abokar(Bookh) iyo Axmed (Naji), waxayna soo gaadheen magaalada Hargaysa barqadii maalintii Salaasada ee ay Bishu ku beegnayd 23 - 4 - 1434 H, waxay habeenimadiina u hoydeen magaalada Hargaysa, Aroorinimadii Arbacadana ee bishu ay ahayd 24- 4 - 1434 H waxay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Berbera Dacwo ahaan iyagoo ay wehelinayeen laba walaal oo kala ah: Abu Cabdilaah maxamed ibnu Ismaaciil iyo Abu Xudayfa Axmed ibnu Maxamuud waxayna sii mareen walaalahaasi magaalada Dacarbudhuq oo ay kula kulmeen laba walaalo oo kala ah: Maxamuud ibnu Axmed iyo Xasan ibnu Xuseen oo Dacwada ka wada magaaladaas waxayna is dhaafsadeen Naxteexooyin iyo Waanooyin aad u qiimo badan, waxayna u sii dhaafeen dhinaca magaalada Berbera oo ay gaadheen - Masjidka Sunne (Moosko) - labadii Duhurnimo, waxaana uu Ilaahay u suurto galiyey walaalkeen Abu Caqiil Maxamuud ibnu Cusmaan oo Magaalada Sheekh Dacwada ka wada inuu magaalada Berbera soo gaadho galabnimadii Arbacada, maalinimadii Khaamiistana waxa iyaguna magaalada Hargaysa ka soo dhaqaaqay si ay uga qayb galaan khayrkaas walaalo ay ka mid yihiin: Abu Xamsa Khadar ibnu Cabdilaahi, Abu Sulaym Al Xajari, Abu Muqbil Axmed ibnu Daahir, Abu Mucaad Jamaal iyo Abu Cabdiraxmaan Caadil.1
Waxayna walaalahaasi ku sugnayeen Magaalada Berbera laga bilaabo Duhurkii Arbacaad ilaa Saladii Jimce.1
Waxaana halkaas ku kulmay Ducaad Fara badan oo iskaga kala yimid magaalooyinka Soomaliland-Ilaahay ha waafajiyo dadkeeda Dalabu Cilmiga- :1
Magaalada Sheekh waxa ka yimid: Walaalkeen Abu Caqiil Maxamuud ibnu Cusmaan- Xafidahu llaah - .1
Magaalada Boorama wax ka yimid walaalo ay ka mid yihiin:Abu Sufyaan Asaylaci -Xafidahu llaah-.1
Magaalada Hargaysana waxa ka yimid Walaalo ay ka mid yihiin;Abu Cabdilaah Maxamed ibnu Ismaaciil iyo Abu Xamse Khadar ibnu Cabdilaahi -Xafidahumu llaah-.1
Magaalada Berbera waxa ku sugnaa Walaalo ay ka mid yihiin;Xuseen ibnu Diiriye iyo Abu Usaama Cabdilaahi ibnu Muuse -Xafidahumu llaah-.1
Mudadaasna waxa uu Ilaahay u suurto galiyey in ay galaan Walaaluhu Muxaadirooyin, Kalmado iyo Khubado qiimo iyo qaayo badnaa oo ay ka faa'idaysteen cidii ka soo Qaybgashay
Ilaahayna waxa aanu ugu mahad naqayna in uu nawaafajiyay in aanu duubno Muxaadirooyinkaas, Kalmadahaas iyo Khudbadahaas
Ka faa'idaysi wacan
Magaalada Berbera waxa ku sugnaa Walaalo ay ka mid yihiin;Xuseen ibnu Diiriye iyo Abu Usaama Cabdilaahi ibnu Muuse -Xafidahumu llaah-.1
Mudadaasna waxa uu Ilaahay u suurto galiyey in ay galaan Walaaluhu Muxaadirooyin, Kalmado iyo Khubado qiimo iyo qaayo badnaa oo ay ka faa'idaysteen cidii ka soo Qaybgashay
Ilaahayna waxa aanu ugu mahad naqayna in uu nawaafajiyay in aanu duubno Muxaadirooyinkaas, Kalmadahaas iyo Khudbadahaas
Ka faa'idaysi wacan
تعليق