• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

In la Soomo Tobanka hore ee Dilxijja ma aha Bidco* Sh. Ibnu Baas - Raximahullaah

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • In la Soomo Tobanka hore ee Dilxijja ma aha Bidco* Sh. Ibnu Baas - Raximahullaah

    صيام عشر ذي الحجة ليس بدعة
    ما رأي سماحتكم في رأي من يقول صيام عشر ذي الحجة بدعة؟
    هذا جاهل يُعلَّم، فالرسول صلى الله عليه وسلم حض على العمل الصالح فيها، والصيام من العمل الصالح لقول النبي صلى الله عليه وسلم: ((ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر)) قالوا: يا رسول الله : ولا الجهاد في سبيل الله؟ قال: ((ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجل خرج بنفسه وماله ولم يرجع من ذلك بشيء))[1] رواه البخاري في الصحيح. ولو كان النبي صلى الله عليه وسلم ما صام هذه الأيام، فقد روي عنه صلى الله عليه وسلم أنه صامها، وروي عنه أنه لم يصمها؛ لكن العمدة على القول، القول أعظم من الفعل، وإذا اجتمع القول والفعل كان آكد للسنة؛ فالقول يعتبر لوحده، والفعل لوحده، والتقرير وحده، فإذا قال النبي صلى الله عليه وسلم قولاً أو عملاً أو أقر فعلاً كله سنة، لكن القول هو أعظمها وأقواها ثم الفعل ثم التقرير، والنبي صلى الله عليه وسلم قال: ((ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام)) يعني العشر فإذا صامها أو تصدق فيها فهو على خير عظيم، وهكذا يشرع فيها التكبير والتحميد والتهليل؛ لقوله صلى الله عليه وسلم: ((ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب من العمل من هذه الأيام العشر فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد)) وفق الله الجميع.



    [1] رواه البخاري في الجمعة باب فضل العمل في أيام التشريق برقم 969، والترمذي في الصوم باب ما جاء في العمل في أيام العشر برقم 757 واللفظ له.



    مجموع فتاوى و مقالات متنوعة الجزء الخامس عشر



    In la soomo Tobanka hore ee Dilxijja ma aha Bidco

    S: seed u aragtaan Sheekh Ra'yiga cidda odhanaysa: in la soomo Tobanka hore ee Dilxijja waa Bidco?1

    J: Waxa uu ku jawaabay Sheekh Ibnu Baas - Ilaahay ha u naxariistee - : cidda sidaa tidhi waa Jaahil u baahan in wax labaro, waayo Rasuulka Ilaahay - Sallalaahu calayhi wasalam- waxa uu ku booriyay in la sameeyo Acmaasha wanaagsan Tobankan dhexdooda, Soonkuna waxa uu ka mid yahay Acmaasha wanaagsan xadiiskan Nabiga - Sallalaahu calayhi wasalam- daraadii

    ((ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر))
    i(ma jiraan maalmo camalka wanaagsan ee la sameeyaa Ilaahay agtiisa looga jacayl badan yahay maalmahan ) waxa ay ku yidhaahdeen (saxaabadu) Rasuulkii Ilaahayaw: xataa Jihaadka la sameeyo maalmahan Ilaahay agtiisa loogama jacayl badnaa? waxa uu yidhi - Nabigu-1
    ((ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجل خرج بنفسه وماله ولم يرجع من ذلك بشيء))
    i(xataa Jihaadka la sameeyo maalmahan Ilaahay agtiisa loogama jacayl badna ilaa nin u baxay Jihaad isaga iyo naftiisa iyo maalkiisa waxbana aan kala soo noqon) Imaamu Bukhaari ayaa saxeexiisa ku soo wariyay, haba ahaado Nabigu - sallalaahu calayhi wasalam - mid aan soomin maalmahan, Dhab ahaana waxa laga soo wariyay Nabiga - sallalaahu calayhi wasalam - in uu soomay maalmahan, waxa kale oo laga soo wariyay in aanuu soomin maalmahan, laakiin ka la cuskanayaa waa qawlka - xadiiska kor ku xusan- , Qawlka ayaa ka wayn oo ka mudan Ficilka, hadii ay kulmi lahaayeen Qawlka iyo Ficilku sidaasaa Sunnada adkeen lahayd, Qawlka waxa la ictibaariyaa kaligii, Ficilkana kaligii, iyo Taqriirkuna kaligi, hadii uu yidhaahdo Nabigu - sallalaahu calayhi wasalam- Qawl ama - uu sameeyo - Ficil ama uu Qiro ficil dhamaantoodba waa Sunne, lakiin Qawlkaa ayaa ugu wayn oo ugu xoog badan - Sunnada- waxa ku xiga Ficilka waxana ku sii xiga Taqriirka, Nabiguna waxa uu yidhi :1
    ((ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر))
    i
    (ma jiraan maalmo camalka wanaagsan ee la sameeyaa Ilaahay agtiisa looga jacayl badan yahay maalmahan ). Waxa uu u jeedaa Tobankan, hadaba hadii uu soomo - Tobankan - ama uu Sadaqaysto waxa uu ku sugan yahay khayr wayn, sidaas oo kale waxa la sharciyeeyay - maalmahan - Takbiirta, Taxmiidda iyo Tahliisha, Qawlka Nabiga - sallalaahu calayhi wasalam - daraadii

    ((ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب من العمل من هذه الأيام العشر فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد))
    i(ma jiraan maalmo camalka wanaagsan ee la sameeyaa Ilaahay agtiisa uu ka wayn yahay oo looga jacayl badan yahay maalmahan Tobanka ah , hadaba maalmahan dhexdooda badiya Tahliisha,Takbiirta iyo Taxmiida) Ilaahay ha waafajiyo - khayrka - dadkoo dhan



    majmuuc fataawa wa maqaalaat mutanawica/ juska 5aad




    Tur:1
    Abu Xudayfa Axmed ibnu Maxamuud Assomali
    iyo
    Abu Sulaym Cabdalle ibnu Cali
    ILaahay Dalabu Cilmiga ha u sahlo labadoodaba
    التعديل الأخير تم بواسطة أبو سُليم عبد الله بن علي الحجري; الساعة 08-10-2013, 07:59 PM.

  • #2
    maansha Alaah
    Waa Fatwo qiimo iyo qaayo leh, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu nagu anfaco Anaga iyo Muslimiintaba,Walaalkay Cabdalana aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay

    تعليق

    يعمل...
    X