• If this is your first visit, be sure to check out the FAQ by clicking the link above. You may have to register before you can post: click the register link above to proceed. To start viewing messages, select the forum that you want to visit from the selection below.

إعـــــــلان

تقليص
لا يوجد إعلان حتى الآن.

القواعد الأربع Alqawaacidul arbaca

تقليص
X
 
  • تصفية - فلترة
  • الوقت
  • عرض
إلغاء تحديد الكل
مشاركات جديدة

  • القواعد الأربع Alqawaacidul arbaca

    القواعد الأربع Alqawaacidul arbaca

    القواعد الأربع للامام محمد ابن عبد الوهاب النجدي
    Alqawaacidul arbaca

    Uu alifey shiikhul islaam:
    Muxamed ibnu cabdil wahaab annajdi allaah ha u naxariisto.

    Wuxuu yiri shiikhu:
    بسم الله الرحمن الرحيم
    Magaca allaah ayaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
    أسأل الله الكريم رب العرش العظيم أن يتولاك في الدنيا والآخرة , وأن يجعلك مباركا أينما كنت , وأن يجعلك ممن إذا أعطي شكر , وإذا ابتلي صبر , وإذا أذنب استغفر , فإن هؤلاء الثلاث عنوان السعادة.
    Waxaan weydiisaa allaha kariimka ah ee carshi weyn u saaxiibka ah in uu ku tawaliyo aduunyo iyo aakhiro , meel kasta aad joogto in uu kaa yeelo mid bara keysan , iyo in uu kaa dhigo qof markii wax lasiiyo mahad naqdo , iyo markii la imtixaano sabro , iyo markaw danbawo danbi dhaaf dalabo , sadaxdaan arin waa liibaanta cinwaankeeda .
    اعلم - أرشدك الله لطاعته - أن الحنيفية ملة إبراهيم أن تعبد الله وحده مخلصا له الدين كما قال تعالي : " وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون " [ الداريات:56 ] .
    Ogaw - allaah daacadiisa hakugu hanuunshee - xaniifiyadu waa diintii - nabi - ibraahim waa inaad allaah kaligiis caabudo adigoo u barax tiraayo cibaadada , sida uu allaah yiri ( aayada macnaheeda) : " jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma abuurin "
    فإذا عرفت أن الله خلقك لعبادته , فاعلم أن العبادة لا تسمى عبادة إلا مع التوحيد , كما أن الصلاة لا تسمى صلاة إلا مع الظهارة , فإذا دخل الشرك في العبادة فسدت , كالحدث إذا دخل في الظهارة .
    Hadaa garatey in uu allaah cibaadadiisa kuu abuurey, ogaw cibaadada cibaado laguma magacaabo illaa marka allaah loo kali yeelo mooye , sida aan salaada salaad loogu magacaabin marka dahaaro laqabo mooyee ; haduu shirkigu cibaadada galo waa fasaadiyaa, sida xadathka marka uu galo dahaarada u fasahaadiyo.
    فإذا عرفت أن الشرك إذا خالط العبادة أفسدها وأحبط العمل وصار صاحبه من الخالدين في النار , عرفت أن أهم ماعليك:
    معرفة ذالك لعل الله أن يخلصك من هذه الشبكة وهي الشرك بالله , الذي قال الله تعالى فيه : " إن الله لا يغفر أن يشرك به ويغفر ما دون ذلك لمن يشاء " [النساء: 116] .
    Hadaad garato haduu shirkigu dhex galo cibaadada in uu fasaadinaayo camalkana burinaayo qofka sameeyana uu ka mid naqanaayo kuwa naarta ku waara , waxaad garataa waxa ugu muhiimsan ee dushaada ah: waa garashada arinkaas , waxaa laga yaabaa in uu allaah kaa badbaadiyo shabakadaan , oo eh in allaah wax lala wadaajiyo , allaah wuxuu ka yiri ( aayada macnaheeda) : " allaah ma dhaafo in lala wadaajiyo ( cid kale cibaadada ) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas kasoo harey ciduu doono " .
    وذلك بمعرفة أربع قواعد ذكرها الله تعالى في كتابه:
    القاعدة الأولى : أن تعلم أن الكفار الذين قاتلهم رسول الله صلى الله عليه وسلم مقرون بأن الله تعالى هو الخالق المدبر , وأن ذلك لم يدخلهم في الإسلام.
    Arinkaas wuxuu kusoo aruuraa garsho afar qawaacid uu allaah kitaabkiisa ku sheegey:
    Qaacida 1aad : waa inaad garatid gaalada uu la dagaalamey rasuulka allaah - amaan iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato - in ey qirsanaayeen allaah sareeyee in uu abuurey uuna maamulo , arinkaas ey qirsanaayeen islaamka mawsan soo galin .
    والدليل قوله تعالى: " قل من يرزقكم من السماء والأرض أمن يملك السمع والأبصار ومن يخرج الحي من الميت ويخرج الميت من الحي ومن يدبر الأمر فسيقولون الله فقل أفلا تتقون " [يونس: 31].
    Waxaa udaliila oraahda allaah ( macnaha aayada ) : " waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, iyo aragyada, yaana kasoo bixiya waxa nool wax dhintay, kana soo bixiya wax dhintey wax nool, yaana maamula amarka waxay ku leeyihiin allaah, waxaad dhahdaa miyeydaan dhawrsanayn " .
    القاعدة الثانية : أنهم يقولون : مادعوناهم وتوجهنا إليهم إلا لطلب القربة والشفاعة.
    Qaacida 2aad: ayagu waxey leeyihiin: maan uyeeran mana ujeesan dhankooda illaa inagoo ka dalbeeno iney noo dhaweeyaan iyo iney noo ergeeyaan mooyee.
    فدليل القربة قوله تعالى : " والدين اتخذوا من دونه أولياء ما نعبدهم إلا ليقربونا إلى الله زلفى إن الله يحكم بينهم في ما هم فيه يختلفون إن الله لا يهدي من هو كذب كفار " .
    Dhawaanshaha ( in ey allaah ugu dhawaanaayeen ) waxaa u daliila oraahda allaah ( aayada macnaheeda ) : " kuwa ka yeesha allaah ka sokaw awliyo waxey oran uma caabudno iney allaah noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, allaahaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, allaahna ma hanuuniyo beenaale gaalnimo badan " .
    ودليل الشفاعة قوله تعالى: " ويعبدون من دون الله مالا يضرهم ولا ينفعهم ويقولون هؤلاء شفعؤنا عند الله " .
    Ergada waxaa u daliila oraahda allaah (macnaha aayada ) : " waxey caabudaayaan allaah sukadiis wax aan waxna u dhibeen waxna u tareen waxey leeyihiin kuwaas allaah aktiisa ayee nooga ergeenayaan " .
    والشفاعة شفاعتان : شفاعة منفية , وشفاعة مثبة.
    Ergeenta waa labo : ergeyn sugan, iyo ergeyn aan sugneen.
    فالشفاعة المنفيّة ما كانت تٌطلب من غير الله فيما لا يقدر عليه إلاّ الله،
    ergeenta sugan : waa wixii laweydiisto allaah qeyrkiis wax uuna awoodin allaah mooye .

    والدليل: قوله تعالى ﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِمَّا رَزَقْنَاكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَ يَوْمٌ لَا بَيْعٌ فِيهِ وَلَا خُلَّةٌ وَلَا شَفَاعَةٌ وَالْكَافِرُونَ هُمْ الظَّالِمُونَ﴾[البقرة:254].

    waxaa u daliila oraahda allaah ( macnaha aayada ) : "kuwa ( xaqa ) rumeeyaw nafaqeeya ( bixiya ) waxaan idinku arzaaqnay qaarkood kahor imaatin maalin (qiyaamada ) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo ergo ( midna ) gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah " .


    والشفاعة المثبَتة هي: التي تُطلب من الله، والشّافع مُكْرَمٌ بالشفاعة، والمشفوع له: من رضيَ اللهُ قوله وعمله بعد الإذن كما قال تعالى: ﴿مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ﴾[البقرة:255].

    ergada sugan waa : tii laga dalbo allaah , ergeeyuhuna waa mid lagu karaameeyey ergada , kan loo ergeenaayo waa mid uu allaah uu ka raali noqdey oraahdiisa iyo camalkiisa idin qaadasho kadib sida uu allaah uyiri (macnaha aayada ) : " waa

    kuma kan ka ergeenaayo allaah aktiisa idankiisa mooyee "

    القاعدة الثالثة : أن النبي صلى الله عليه وسلم ظهر على أناس متفرقين في عبادتهم: منهم من يعبد الملائكة ,ومنهم من يعبد الأنبياء والصالحين , ومنهم من يعبد الأشجار والأحجار , ومنهم من يعبد الشمس والقمر , وقاتلهم رسول الله صلى الله عليه وسلم ولم يفرق بينهم.
    Qaacida 3aad: nabiga - amaanta allaah iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaato - waxuu kusoo baxey dad ku kala tagsan cibaadadooda: waxaa ka mid ahaa kuwa caabudo malaa'ikta, iyo kuwa caabudo anbiyada iyo dadkii wanaagsanaa iyo kuwo caabudo geedo iyo dhagxaan, iyo kuwo caabudo qoraxda ( cadceeda ) iyo dayaxa rasuulka - amaan iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaato - waa la dagaalamey mana kala saarin.
    والدليل قوله تعالى: " قاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله " [ الأنفال 39 ] .
    Waxaa udaliila Oraahda allaah (macnaha aayada ) : " la dagaallama gaalada intaan gaalnimo iyo ( xumaan ) laga helin una ahaato diintu dhamaan allaah " .
    ودليل الشمس والقمر قوله تعالى: " ومن ءاياته الليل والنهار والشمس والقمر لا تسجدوا للشمس ولا للقمر واسجدوا لله الذي خلقهن إن كنتم إياه تعبدون " [ فصلت: 37 ] .
    Waxaa udaliila ( in ey caabudi jireen cadceeda iyo dayaxa ) oraahda allaah ( macnaha aayada) : " aayaadka allaah ( jiridiisa iyo qudradiisa kutusaayo ) waxaa ka mid ah habeenka , iyo maalinta iyo qoraxda iyo dayaxa, ha u sujuudina qoraxda iyo dayaxa ee u sujuuda allaha abuurey haddaad tihiin kuwo ( dhab ) u caabudi " .
    ودليل الملائكة قوله تعالى: " ولا يأمركم أن تتخذوا الملائكة والنبيين أربابا " [ آل عمران : 80 ] .
    Waxaa udaliila ( in ey caabudayeen ) malaa'ikta oraahda allaah ( macnaha ) : " idinmana farayo allaah inaad ka yeelataan malaa'igta iyo nabiyada rabiyo " .
    ودليل الأنبياء قوله تعالى : " وإذ قال الله يا عيسى ابن مريم ءأنت قلت للناس اتخذوني وأمي إلهين من دون الله قال سبحانك ما يكون لي أن أقول ما ليس لي بحق إن كنت قلته فقد علمته تعلم ما في نفسي ولا أعلم ما في نفسك إنك أنت علام الغيوب " [ المائدة: 116 ] .
    Waxaa udaliila ( in ey caabudayeen ) anbiyada oraahda allaah ( macnaha aayada ) : " ( xasuuso ) markuu yiri allaah, ciise ina maryamaw ma adaa ku yiri dadka ka yeesha ani iyo hooyaday labo ilaah allaah ka sokow, uuna yidhi waad nasahantahey iguma haboona inaan dhaho waxaanan xaq u lahayn , hadaan irina waad ogtahey , waxaadna ogtahey waxa naftayda ku sugan aniguse ma ogi waxa aad iga qarinayso adiga unbaa ah kan waxa maqan og " .
    ودليل الصالحين قوله تعالى: " أولئك الذين يدعون يبتغون إلى ربهم الوسيلة أيهم أقرب ويرجون رحمته ويخافون عذابه " [الإسراء : 57 ].
    Waxaa udaliila ( in ey caabudaayeen ) dadkii wanaagsanaa oraahda allaah ( ayaada macnaheed ) : " kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga rabigood u dhawaansho kooda u dhaw waxayna rajayn naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa " .
    ودليل الأشجار والأحجار قوله تعالى : " أفرءيتم اللات والعزى • ومناة الثالثة الأخرى " [النجم: 19, 20 ] .
    Waxaa udaliila ( in ey caabudi jireen ) geedaha iyo dhagxaanta oraahda allaah ( macnaha aayada ) : " ka warrama ( sanamyada ) laata iyo cuza • iyo manaatadii saddexaad ee kale " .
    وحديث أبي واقد الليثي - رضي الله عنه - قال : " خرجنا مع النبي - صلى الله عليه وسلم - إلى حنين ونحن حدثاء عهد بكفر , وللمشركين سدرة يعكفون عندها وينوطون بها أسلحتهم يقال لها ذات أنواط. فمررنا بسدرة فقلنا: يا رسول الله اجعل لنا ذات أنواط , كما لهم ذات أنواط " . الحديث.
    ( Waxaa kaloo udaliila ) xadiithka abuu waaqid allaythi - allaah haka raali naqdo - wuxuu yiri " waxaan labaxney nabiga - amaanta allaah iyo nabad galyadiisa dushiisa ha ahaato - ( asaga oo ku wajahan dhanka ) xuneyn , annaguna aanahey kuwa gaalnimada kacusub, mushrikiinta waxey lahaayeen geed goba ey ku ictikaafaan ( ku nagaadaan ) akteeda ey surtaan ( ey ku barakeestaan ) hubka oo ladhaho ( oo lagu magacaabo ) daatu anwaad ( tii surida u saaxiibka aheed ) .waxaan soo marney gob waxaan dhahney: rasuulka allaw annagana noo yeel tu daatu anwaada sida ey ayaguna uleeyihiin " xadiithka dhameestir.
    القاعدة الرابعة : أن مشركي زماننا أغلظ شركا من الأولين لأن الأولين يشركون في الرخاء ويخلصون في الشدة , ومشركو زماننا شركهم دائما في الرخاء والشدة .
    Qaacidada 4 aad: mushrikiinta zamankeena ayaa ka shirki adag kuwii hore, maxaa yeeley kuwii hore allaah waxey wax lawadaaji jireen marka ey barwaaqeesanyihiin xiliga ey dhibaateesan yihiin cibaada allaah ayee u barax tiraayeen, mushrikiinta zamankeena shirkigooda waa mar kasta markey barwaaqeesanyihiin iyo markey dhibaateesanyihiin ( waa la imaadaan ) .
    والدليل قوله تعالى: " فإذا ركبوا في الفلك دعوا الله مخلصين له الدين فلما نجاهم إلى البر إذا يشركون " [ العنكبوت: 65 ].
    Waxaa udaliila oraahda allaah ( macnaha aayada ) : " markey koraan doonta waxay baryaan allaah iyagoo u kaliyeeli cibaadada, markuu u koriye ( oo geeyo ) barrigana ( dhulkana ) markaasay u shariik yeelaan ( wax la caabudaan ).
    تمت , وصلى الله على سيدنا محمد وآله وصحبه وسلم.
    Waa dhameestirmatey, amaanta allaah dusha sayidkeena muxamed iyo aalkiisa iyo asxaabtiisa ha ahaato iyo nabadgalyo.
    Waxaa isku dayay tarjumadda risaaladaan walaalkiin: -
    Abuu mucaawiya muxamed daahir maxamuud.
    18/jamadul aakhir / 1435 (h)
    sacwaan Sanca yamen
    wixii talaa ciwaan kaan noogu soo hagaaji :
يعمل...
X