بسم الله الرحمن الرحيم
Maalintii Jimcihii ee 20 - 12 - 1434 H kuna beegnayd 25 - 10 - 2013 waa maalintii 18 ee Go'doonka, walina waa uu socodaa Go'doonkii iyo Duqayntii Xuutiyiintu ay duqaynayeen Mandiqada Damaaj iyo Dadkeeda aan waxba galabsan, Shalayna (Khamiistii) gaarahaan markii ay tageen 2 guddi (Gudidii dhexdhaxaadintu iyo tii Ciidamadu) waxa ay ahayd maalin aad ugu adkayd Dadka Damaaj, maxaa-yeelay Shiishkii aad ayuu u siyaaday oo uu u kordhay, markii ay Cadceedu dhacday ka dibna waxay Xuutiyiintii bilaabeen inay Madaafiicda P10, R.B.J iyo Hoobiyayaal la dhacaan Dhakhtarka, xallay oo dhana wey socdeen, laakiin Ilaahay Fadligii cidi wax kumay noqon.1
Waabarigan Maantana (Jimce) wey socotaa Garaaca Madaafiicdu iyo Xabadaynta ay isticmaalayaan Xabadaha kuwooga dhexe iyo kuwooga fududba, markii ay dadkii bilaabeen inay tagaan Salaadii Jimcana aad ayey Xuutiyiintii-Ilaahay ha halaagee- u kordhiyeen Shiishkii,taasoo keentay in la dhaawaco 3 Arday oo kala ah:1
Madar Al Mahdari
Jacfar Adaalici
Zakariye
Ilaahay ha shaafiyo dhamaantood
Gudidii Dhexdhexaadintu iyo tii Ciidamaduba weli mey iman, Balaantuna Maantay ahayd, laakiin waxay balanqaadeen iney yimaadaan Barri, oo ay Muraaqibiin Ilaaliya Xabad joojinta keenaan.1